shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aas Qaran oo loo Sameeyay Gudoomiyihi Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen(Daawo Sawiradda).
 

(Qardho,  April 28,  2009 Ceegaag Online

ALL HA U NAXARIISTEE waxaa saaka aas qaran loo sameeyay Gudomiyihi Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen waxaana Aasa Qaran ka dhacay Qabuuraha Xorgoble ee Magaaladda Qardho Aaska ayaa ahaa mid Dadka ka soo qaybgalay ay Dareemayen Murugo aad u wayn.
 
 
Aaska Qaran waxaa ka soo Qaybgalay Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Baddi Golaha wasiiradda ee Dawladd Goboleedka Puntland waxaana ka mid ahaa Wasiirka amniga Gen:Cabdulahi Siciid Samatar iyo Waliba Wasiiradda arrimaha Guddaha,Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeeno Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dawladd Goboleedka Puntland.
 
 
Sidoo kale Aaska qaran waxaa ka soo Qaybgalay Aqoonyahano Culumo iyo waliba Dadwayne aad u farabadan oo Reer Qardho ah iyo Deegaanadda kale ee dawladd Goboleedka Puntland waxaana uu ahaa Aasqaran oo si wayn looga Qaybgalay.
 
Iyadoo lagu waday in Shalay la aaso Maydka Marxuumka Gudoomiyihi Gobolka Karkaar ayaa haddana Eheladda Gudoomiyuhu ku adkaysteen in la helo Nimankii dilay oo iyaga hadda gacanta lagu hayo isla markaana ay Baaritaano Socdaan.
 
 
Aaska Qaran ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Madaxaweyne Cabdiraxmaan Faroole"INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN aad iyo aad ayaan uga xumahay Dilka Gudoomiyihi Marxuum Yaasiin Siciid Xuseen waxaana dilay Gacan ka xaqdaran waan u tacsiyayneynaa runtii Puntland Dhibaatoyin farabadan ayaan ka jira waxaana is leenahay waa Dad gacan ku dhiiglayaal ah oo jooga Deegaanadda Puntland Balse Dawladdu Qorshe wayn ayay arrintaasi ka leedahay.
 
Aaska Qaran ayaa Ku soo Gababoobay Jawi aad u wanaagsan:.
Taariikhda oo Kooban dib ayaan idiinku soo gudbinayna:.


 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com