shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaallo Ka Qarxay Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dalka Soomaliya.

(Baladwayne,  April 20,  2009 Ceegaag Online) 

Dagaalwadayaasha Diinkugabadka Dawladdiidka Soomaaliya

Magaaladda Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka Qarxay Maalimaddi Saaka ahayd Dagaal Kharaar oo u dhexeeyey Islaamiyiinta ku Sugan Gobolkaasi iyadoo Kooxaha maamulaya magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan uu ka dhex bilowday dagaal qaraar oo bilowday saakadii hore , waxaana ilaa hada socota daryanka Madaafiicda culculus, sida ay sheegayaan Wararka madaxa banaan ee ka soo baxaya magaalada Beledweyn.


Dagaaladan ayaa udhaxeeya dhinacyada isla maamulaya magaaladaasi, waxaana Magaalada maamulaya Ururo kala duwan oo iska soo horjeeda, isla markaasna kala taabacsan mucaaradka iyo muxaafidka dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya, sida ay sheegayaan Wararka Madaxa Banaan ee Naga soo Garaya Magaaladda Baladweyne.

Illaa iyo 6-ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo 32-kalena oo qaarkood rayid ah waa ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta barqadii ka biloowaday xaafada H/wadaag ee magaalada Baladweyne dagaalkaasi oo weli si teel teel ah uga socda halkaasi.

Waxaana weli labada cusbitaal ee magaalada ku yaala magaalada Baladweyne la gaarsiinayaa dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay dagaaladaasi,waloow dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Xabado teel teel ah ayaa waxaa laga maqlayaa xaafadah H/wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne waloow la tilmaamay in qeyb ka mid ah xaafadaha uu dagaalka saakay ka dhacay ay gacanta ku hayaan garab ka mida ah xoogaga muqawamada ee dagaalka uu u dhexeeyo.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalada ay ku dhex marayaan Baladweyne iyo maamulka maxaakiimta islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Hiiraan.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalka uu geystey khasaare soo gaaray guryo ku yiil deegaanka, waxaana la sheegay inay gubteen ilaa sadex guri oo ay ku habsadeen madaafiicdii la isku dhaafsanayey dagaalkaasi.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com