shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Islaamiyiinta Ka Arrimiya Goboladda Bay iyo Bakool oo Sharciyo Cusub Soo Saaray.
 

(Baydhabo.  April 15,  2009 Ceegaag Online)

Kooxaha Alshabaab oo hada gacanta ku haya Bay iyo Bakool

Iyadoo Inta badan Koonfurta Dalka soomaliya ay Gacanta ku hayaan Ururka Islamiga ah ee Al_Shabaab ayaa hadan ururka al_Shabaab ee ka arrimiya Goboladda Bay iyo Bakool waxa ay soo saareen Sharciyo iyo Amaro cusub oo ay usoo bandhigeen Dadka Deegaanadda Hoosyimadda Goboladda Bay iyo Bakool.
 
 
Sheikh Cabdicasiis Cali oo ah Madaxa fidinta Dacwadda oo magaaladda Baydhabo Shir jaraa'id ku Qabanayay ayaa Sheegay in Ururka All_Shabaab ay Maanta Soo Bandhigayaan Amarro iyo Sharciyo la doonayo in laga Dhaqangaliyo Magaaladda Baydho Sheikh Cabdicasiis ayaa yiri"1.In aan Wakhtiga Salaadda Gebi ahaanba la la Furin Goobaha Ganacsiga isla markaana aan la arki karin Goob Ganacsi oo furan Cidii lagu arkona Talaabo Cad laga qaadayo iyadoo 5-Cisho la xiri doono.
 
 
2.In Haweenka aanay Dhexsocon karin Baydhaba iyagoo aan wadan Xijaab culus oo Isku Joog ah Haweenaydii lagu arko waxyaallo aan asturnayn Sida Dharka Birbirqayana la xiri Doono Mudo 12-Saacadood ah.
 
Maaha markii ugu horaysay ee islaamiyiinta ka arrimiya Inta Badan koonfurta Soomaliya ay Sharciyo Caynkaani oo kaleeto ah ku soo rogaan Dadka Deegaanka horay ayaa waxaa jirtay in Magaaladda Kismaayo looga Mamnuucay in Raga iyo Dumarka ay Gaadiidka PL ka isla Raacaan.
 
Lama garanayo sida ay go’aamadaasi uga dhaqan gali karaan magaalada Baydhabo maadama go’aamo kuwani la mid ah ay horay uga dhaqan gali waayeeen.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com