shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xukuumadda Pyonyang oo dhamaanba xidhiidhka u jartay Hayadda UN_ ee IAEA
 

(Biyonyan, W.Kuuriya.  April 15,  2009 Ceegaag Online)

Dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in ay xariirka u jartay Gabi ahaanba Qaramadda midoobiya iyadoo ay maalintii shalay ahayd Golaha amaanka qaramadda midoobay mawqif mid ah ka qaateen cunaqabatayn lagu sameeyo Xukuumadda pyonyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Xiriirka u jaratay UN-ka waxa ayna Baarayaasha Hubka Niyuklayrka ee ku sugan Dalkeeda ku amartay in ay isaga baxaan, sidaas waxaa sheegay Haya’ada Quwada Atoomikagada UN (IAEA) ee Daba galka ku samaysa Arimaha Niyuklayrka.

 

Pyongyang waxay ku wargaliasay IAEA in ay isaga guurto kana qaadato Qalabkeeda Saldhiga Qurinta Hubkeeda ee Yongbyon,waxayna ku dartay hadalkeeda in ay dib u kicinayso Holaheeda Niyuklayrka, sidaas waxaa watchdog.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ugu baaqay Pyongyang in ay joojiso Istuska iyo Dhoolatuska Milatary ay wado, halka China iyo Ruushku Maraykanka kula Talinayaan in Xaalka loo kaadiyo japan ayaa iyana ku dhawaaqday inay xariirka u jartay xukumada kuuriyadda waqooyi

 

Kuuriyada Waqooyi waxa ay aad uga carootay Qaraarkii qaramadda Midoobay ay cunaqabataynta ugu soo rogtay Xukuumadda pyonyang iyadoo Haya’ada Quwada Atomicadda Caalamiga ah ee UN (IAEA) ay u tagtay Pyongyang markii ay xukuumadda kuuriyadda waqooyi ogolaatay in la eegi karo waxa lagu tuhmayo ee quwadda nabadeed ee Nuclearka.

Iyadoo xooga Horumar aan saas u sii buurnayn laga gaaray in la tamar dareeyo Qalabkii ay ku tamaraynaysay Quwadeeda Nuclearka Kuuriyada Waqooyi ee Yongbyon intii ay IAEA howlaheeda ka wadatay halkaas.


Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com