shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Budhcad badeedkii Soomaaliyeed ee qafaashay Cabtain Richard Philips oo sadexna ladilay midna gacanta lagu hayo

(Badwaynta Hindiya.  April 12,  2009 Ceegaag Online)

Captain Richard Philips

Kaaxihii Budhcadbadeeda ahaa ee qafaashay Captain Richard Philips ayaa sadexna ladilay midna la qabtay iyada oo wararka iska soo taraya dhacdadan ay tahay in loogu yeedhay hogaamiyihii kaaxda wax afduubtay in uu la gorgortamo ciidanka mareekanka.

Gorgortankii oo socdana uu Captain Richard Philips ay u arkeen inuu khatar ku jiro kadib markii qori lagu fiiqay  ciidamada mareekanku waa sida ay sheegamayaan e,  taa soo noqotay  fursad  lagu laayo kooxdii budhcad badeeda Soomaaliyeed ahaa ninkii Gorgortanka ku jirayna meeshiisii lagu qabtay.

Arintan ayaa ah arin sir ah oo ciidamada mareekanku ugu talo galeen, iyagoo qorsheeyay in ay soo kexeeyaan ninka madaxda u ah si ay u kaladaataan oo ay hogaamiye u waayaan kuna waraaraan waxay sameen lahaayeen Budhcadbadeedu halkaas oo lawada laayay kadib markii loo soo dhawaytay markabka Baabiiyaha ahaa.

Ciidamda mareekanka ayaa sheegay in qori lagu fiiqay Captanka halakaa oo ciidamada mareekanku ku laayeen ragaa budhcadbadeeda ahaa iyada oo ay ciidamada mareekanku aysan la gorgortamin dadka dadka qafaasha.

Go'aankan ayaa waxaa bixiyay madaxwayne Obama sida sharciga ah balse ma aha go'aan uu si toos ah u bixiyay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com