shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Cabdulaahi Siciid Samatar "Waxaan ka Codsanaynaa Beesha Caalamka Inay gacan Naga Siiyaan Dhisidda Ciidanka Ilaaladda Xeebaha puntland"

(Boosaaso.  April 12,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Amniga Dawladd Goboleedka Puntland Cabdilaahi Siciid Samatar oo Maanta ka hadlayay Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaaladda Boosaaso Ayaa ka hadlay Falalka Burcadd badeednimo ee Xeebaha Soomaliya ,cabdulahi Siciid Samatar ayaa ku Nuux nuuxsaday Dhisidda Ciidan Tayaysan oo ilaaliya Xeebaha Dawladd Goboleedka Puntland si loo wiiqo Awoodda Burcadd Badeeda ka Qawlaysata Xeebaha Soomaaliya.
 
Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa sheegay In" Dawladda Puntland ay Rabto oo kaliya in Beesha caalamku inay ka Taageeraan Dhismaha Ciidanka Dhaqaalaha ku baxaya anagu ujeedkeenu waa intaas waxaan u sheegaynaaa Beesha Caalamka in ay Tayo Galiso Ciidanka Ilaaladda xeebaha dawladd Goboleedka Puntland Guryaha Burcadd badeeda waan burburinaynaa waxayna sumcadii ka xumeyeen Shacabka soomaaliyed".
 
Hadalka wasiirka Amniga Dawladd Goboleedka Puntland aya ku soo aadaya xili ay Qaylo dhaan balaaran ka soo yeerayso Beesha caalamka isla markaana si aada looga Qaylinayo Burcadd badeeda Xeebaha Dawladd Goboleedka puntland kuwaaasoo ku dhawaad 10-markab ku haysta Xeebaha Waqooyi Bari Soomaaliya .
 
Hadalkani ka soo yeeray wasiirka ayaa sido kale ku soo aadaya Xili madaxweynaha Dawladd Goboleedka puntland Cabdiraxmaan maxamed faroole uu shalay saxaafadda ka sheegay in ay ka xunyihiin Dhibaatadda Burcadd badeeda isla markaana ay xukuumaddu qaadanayso Talaabooyin wax looga Qabanayo Burcadd Badeeda.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
Lacle1004@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com