shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Ceegaag

(Ceegaag,  April 23,  2009 Ceegaag Online) 

Sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdiriigle) ayaa waxaa ka da’ay magaalada Ceegaag roob mahiigaan ah oo socday muddo 4 saacadood ah saaka waaberigii.

Guddoomiyaha ayaa noo xaqiijiyay in aan roobkaasi wax khasaaro ah  gaysan dadka iyo duunyaduna ku qabowsadeen. Roobkaas ayaa ah mid ka dulcurtay degmada Ceegaag isla markaana ku fiday degaannada u dhawdhaw sida Yeyle iyo Hurufadhi, balse aan samayn wax biyo dhig quman ah. Dadwaynaha degaanka ayaa horay ugu hayaamay degaannada Qoriligud, Ballicallanlle, Taallabuur iyo Qabrri Hulul halkaas oo ayhoray uga  da’een roobabkii Gu'ga ee ugu horreeyay.

Guddoomiyaha ayaa noo xaqiijiyay in ay qorshaynayaan in ay u diraan gaadiid dib loogu soo raro maatada iyo xoolaha jilicsan ee masaafada dheer u jira degaanka Ceegaag ee ay horay uga naqraaceen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com