shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cumar Xaashi Aadan "90 Dhalinyaro oo Baastolado Wata ayaa soo galay Muqdisho si ay u laayaan Masuuliyiinta Dawladda KMG ah".

(Muqdisho.  April 18,  2009 Ceegaag Online)

Cumar Xaashi

Cumar Xaashi Aadan wasiirka Amniga Qaranka Dawladda kmga ah ee soomaliya oo maanta Saxaafadda ugu Waramayay Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegay in Kooxaha Hubaysan ee qoriga wata ay dhigaan hubkooda isla markaana ay soo galaan wada hadal iyo Wadaxaajoodyo Nabadeed.

Cumar xaashi aadan Wasiirka Amniga Qaranka dawladda soomaliya waxaa uu tibaaxay in haddii ay yihin Masuuliyiinta Dawladda inay mudoo badan ku baaqayeen in qoriga layska Dhigo isla markaana Nabada iyo Wanaaga laga Shaqeeyo isagoo sheegay in bulshadda soomaliyed iyo waxgaradka ay xitaa ku baaqeen in nabadda laga shaqeeyo.

"Wada hadal waxaa ka horeeya Xabad joojin mar hadii ay xiisadi aloolsantahay, marka hore aan wada hadalnee Xabada Jooji, Inbadan ayaan ku baaqnay isuna taagnay Nabadeyn balse waa loo dhega nuglaan wayay Hadana waan ku celinaynaa" sidaasi waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Amniga dowlada Soomaaliya Cumar Xaahi Aadan .

Dhanka kale wasiirka Wasaarada Amniga Dowlada Soomaaliya Cumar Xaashi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday ka hor inta aan la dilin Xubin ka mid ahaa Baarlamanka oo lagu magacaabi jiray C/laahi Abti Doon ay soo gaartay Warbixin sheegeysa in 90dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo ka kala yimi qeybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya ay soo gaareen Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Wasiirka Amniga Ayaa sheegay in 90kaasi dhalinyarada ah ay ka kala yimaadeen Joobooyinka, Baay, iyo Bakool iyo qeybo kale oo ka tirsan Gobolada koonfurta Soomaaliya isagoo sheegay in loo soo diray inay dil u gaystaan Masuliyiinta Xukumadda Soomaliya.

Isku soo wada duubo waxaa magaaladda ka aloosna maalmihii ugu dambeeyay khilaafyo iyo in saxaafadda layska weraro iyadoo ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo loo gaysanayay Masuliyinta Dawladda Soomaliya.


Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com