shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo difaacay heshiiskii Badda ee Kenya iyo Somalia.

(Muqdisho,  April 27,  2009 Ceegaag Online

Waxaa weli taagan murankii ku saabsanaa heshiiska ay Dowladda Soomaaliya la gashay dhigeena dalka Kenya, isla markaasina madax ka tirsan golayaasha Dowladda ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen heshiiskaasi iyo waliba cambaareyn ku aadan saxiixayaasha heshiiskaasi oo lagu eedeeyay inay iibsadeen qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, ayaa waxaa hadaladaasi iyo eedeymahaasi jawaab cad ka bixiyay Wasiirka Qorshaynta & Iskaashiga calaamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
 
 
Sidoo kale wasiirka oo saxaafadda la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda baarlamaanka Soomaaliya la hor geynayo heshiiskii dhinaca is fahamka Soohdimaha badda oo ay dhowaan kala saxiixdeen dawladha Kenya iyo Soomaaliya kaasoo ay shaki iyo qaylo dhaan ka muujiyaan Bulshada Soomaaliyeed.
 
 
Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in heshiiskaasi oo ay hadda xukuumadda Soomaaliya gacanta ku hayso loo gudbinayo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya kaddibna ay iyaga dood ka yeelan doonaan.
 
"Waxaan ka xumahay in si qalad ah loo fasiro laguna been abuuray qeyb ka mid ah badda Soomaaliya in laga iibiyay Kenya" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah oo sheegay inuu hadaladaasi laga faafiyay aad uga xun yahay, wuxuuna ku tilmaamay inay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay inay dan gaar ahaaneed wataan.
 
Wasiirka ayaa difaacay heshiiskaasi kuna tilmaamay inuu yahay mid lagu badbaadinayay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya oo ka mid noqon lahayd badaha caalamiga ah oo aan cidna lahayn, wuxuuna intaasi ku daray inaanay jirin qeyb ka mid ah dhul badeedka Soomaaliya oo ay qaadatay dawladda Kenya, wararkaasina ay yihiin waxba kama jiraan.
Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caaamiga ah C/raxmaan C/shakuur waxa uu shaaciyay in Baarlamaanka Soomaaliya la soo hor dhigi doono Golaha Baarlamaanka si uu cod ugu qaado una meel mariyo ama u uga horjeesto, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is dejiyaan isla markaasina xukuumadda midnimada Qaran aanay marnaba dooneynin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya inay iibsadaan.
 
 
Isku soo wada duboo Waxaa jirtay Qayla dhaan ka soo baxay shacabka iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan ka gadaal murano ka yimi Xuduuda Somalia iyo Heshiiskaasi.
 
Cabdirashiid maxamed Daahir

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com