shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda KMG oo ka hadashay in Maxkamaddo aanay ogayn la furo iyo Khasaraha ka Dhashay Dagaalkii Shalay oo Kordhay

(Muqdisho,  April 26,  2009 Ceegaag Online)

 Iyadoo Maalmihi ugu dambeeyay Magaaladda Muqdisho ay ka soo yeerayeen Dhawaqyo shegaya in Magaaladda laga furayo Maxkamad Beeleedyo ayaa Maanta Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlada kmg Soomaaliya sheikh C/raxmaan Max’uud Faarax (Jiniqoow) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan habooneyn xiligan in maxkamada beeledyo laga furo magaalada Muqdisho xili dalka uu ay ka jirto dowalada ku dhaqmeysa shareecada islaamka.
 
 
Shiikh Janaqoow ayaa waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhisida maxkamada wax ku xukunta shareecada islaamka looga baahan yahay wasaarada garsoorka dowlada kmg,waxaa uu intaasi raaciyay wasiirka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisi doonaan maxkamadihii degmooyinka ee dalka.

Marka la eego Baaqa ay soo saartay Dawladda Kumeel gaarka ah ayaa haddana mid ka mida Culumaddi shalay Iimaam Cumar Macalin Abshir oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii shalay ka qeyb galshay kulankii reer Xaaji Saleemaan ku yeesheen deegaanka Shiirkole ee magaalada Muqdisho ayaa isna goobta uu wasiirku saxaafada kala hadlayay ka sheegay in sida dadka u fasirteen go’aankaasi uusan aheeyn oo ay beeshu soo jeedisay in maxkamada taabacsan dowlada kmg waxna ku xukunta shareecada islaamka laga furo deegaanka Shiirkole maadama ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan dowalada kmg Soomaaliya.

Dhanka kale Dagaallo iyo Madaafiic shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa Tirade dhimashada iyo dhaawaca ayaa wararka ka soo baxaya goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho ay tilmaamayaan in ay sii kordhayaan sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka . 

In ka badan 17Qof ayaa la dhigay isbitaalada ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan isbitalka Dayniile iyo isbitalka Madiina waxaana dadkaasi lagu sheegay in ay yihiin dhaawac halka tirade dhimashada la sheegay in ay gaareyso kudhowaad Tobaneeyo qof, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dadkii dhaawaca loo geeyay isbitaalada magaalada Muqdisho ay qaar kood u geeriyoodeen dhaawacyadii ka soo gaaray .

Si kastaba amuurtu ha ahaatee saakaya ayaa waxaa dib u soo laabtay isku socodkii iyo ganacsigii dadka iyo gaadiidka, balse waxaa fejignaan aad u sareysa laga dareemayaa aaga ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay soo rogaal celiyaan weeraro lagu qaado

Waxaase hakad ku jira howlihii caafimaad ee ay u fulinjireen ciidamada nabad ilaalinta Amisom dadka rayid ka ah iyagoo howlo caafimaad ay ugu sameyn jireen dadka rayidka isbitaalo iyaga u gaar ah oo ku yaala googoka agdhow fariisimadooda, waxaana saakay la arkayay iyagoo diidaya dadka bukaan socotada ah ee ay horay ugu fulin jireen howlo caafimaad kuna jira heegan sare .

Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com