shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhaqaalahii loogu deeqay dawlada Soomaaliya"miyaa loogu deeqay!

(Soomaaliya.  May 01,  2009 Ceegaag Online

Warar ka soo baxaya wadamada deeqda bixiya iyo xafiiska UNta ayaa ugu baaqaya in aan lasiin wax dhaqaalo ah dawlada Soomaaliya iyada oo horay loogu sheegay dawlada soomaaliya in loo qoondeeyay uun oo qudha 30 Malyan.

Iyada oo lacagta lagu magacaabay in loogu deeqay Soomaaliya ay dhameed 270 Malyan. Xafiiska Isbaarada Soomaaliya ee laga leeyahay UNta fadhigiisuna yahay magaalada Nayroobi ayaa laga soo sheegayaa in loo sheegay in 140 Malyan uun ay ka helayaan lactaa hal 150 Malyan loogudeeqay Ciidamada Nabad ka ilaaliya yaasha ee Afrikaanka ah.

Dawlada Soomaaliya oo iyadu horay isaga diiday lacagtii caydha ahayd ee biil ahaanta dawladaha carabtu ugu qoreen ayaa ilaa hada wax hadal ah laga haynin, lana yaaban sida magacooda loogu qadhaabtay ee hadana cidlada looga dhaqaaqay.

Soomaaliya uunbaa sugasa dadkeeda Qurbaawiyiinta ah inta ay ka bogsanayaan Qabiilka caloosha dhaamiyay ama aykasoo karaso dhibaatada ka haysata qurba nacaska naanaabiyay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com