shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulamo Dhexdhexaadin ah oo ka Furmay Madaxtooyadda Hargaysa.

(Hargaysa,  April 26,  2009 Ceegaag Online) 

Kulankii u horeeyay ee lagu dhexdhexaadinayo Hoggaamiyeyaasha saddex xisbi ee Somaliland ayaa shalay ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa, kulankaas oo ay saddexda hoggaamiye isku horfadhiisiyeen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee Maamulka somaliland ka Taagan ayaa waxay dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa uu mid waliba miiska soo saaray doodda iyo sida uu xalku ugu muuqdo.
 
Kulankan oo ahaa mid laba saacadood socday, isla markaana aad loo adkeeyay in wax laga ogaado arrimaha kulankaas lagaga wada-hadlay, ayaa guddida iyo dhinacyada Axsaabtuba isla qaateen in inta dhexdhexaadintu socoto aan warbaahinta loo waramin, isla markaana wixii war ah ee laga bixinaya kulamada dhexdhexaadinta keliya ay guddidu bixin doonto.
 
Kulankan fool-ka-foolka ay isku soo horfadhiisteen gudoomiyeyaasha saddex xisbiga UDUB, Daahir Riyaale Kaahin, UCID, Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanay qaarkood muddo kulmin, ayaa dood dheer laga galay khilaafka cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka aloosan ee ka dhashay dib-u-dhaca doorashada iyo dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo sidii xal loogu heli lahaa, waxaanay guddida dhexdhexaadintu ka dhegaysatay qolo walba doodeeda, iyadoo sida la sheegay mararka qaarkood ay dooddu cirka isku shareeraysay balse aakhirkii ay dhinacyada iska soo horjeedaa ay ku qanceen in guddida dhexdhexaadintu ay soo deristo soona ururiso mawaaqiifta kala durugsan ee ay laba dhinac (Mucaaridka iyo Muxaafidku) kala qabaan, isla markaana waxay hoggaamiyeyaasha xisbiyadu guddida kalsooni ku siiyeen inay go’aan ka soo gaadho.


Inkasta oo dhinacyada kulankaas ka qayb-galay ay ka gaabsadeen inay warbaahinta uga waramaan waxyaabihii kulankaas lagaga wada-hadlay, haddana war-saxaafadeed kooban oo ay guddida dhexdhexaadinu kulankaas kadib warbaahinta u qaybisay waxay ku sheegeen in awood buuxda loo siiyay inay soo dersaan fikradihii ay axsaabtu halkaas ka soo jeediyeen isla markaana go’aan ka soo gaadhaan, waxaanu war-saxaafadeedkoodu u qornaa sidan:
 
"Madaxweynaha Maamulka Somaliland Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.
 
Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo mandaqadda, waxay kulankaa isku weydaarsadeen fikradahooda iyo aaraahdooda.
Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo derso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan".
 
Kulankan shalay oo aan wax war ah laga helin dhinacyada kulanka ka qayb-galay marka laga reebo guddida dhexdhexaadinta war-saxaafadeedka, ayaan la ogeyn in go’aanka ay guddidu sheegtay in awood loo siiyey inay soo gaadho uu yahay go’aanka kama-dambaysta ah ee lagu xalilo khilaafka cakiran ee dalka ka taagan iyo inuu yahay go’aano la xidhiidha ajandaha lagu dhexdhexaadinay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo, kaas oo lagu sii ambo-qaadi doono kulamo dambe oo ay isku soo horfadhiistaan guddida iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta.
 
Sida ay ilo ku dhowdhowaa kulankaasi tibaaxeen ilaa hadda dhinacyada khilaafku u dhexeeyo midkoodna kamuu tanaasulin mawqifyadii kala foggaa ee ay kala taagnaayeen, hase yeeshee waxay wararkaasi sheegeen in Mucaaridku soo bandhigay in doorashada laga soo horeysiiyo wakhtiga ay Komishanku u cayimeen ee 27ka September iyo in Komishanku degdeg u caddeeyo xilliga ay dhammaanayso hawsha kala-shaandhaynta dadkii is-diiwaangeliyey ee Server-ka si go’aan looga wada-gaadho.
  
Sidoo waxay xisbiyada Mucaaridku miiska soo dhigeen in la helo guddida axsaabta ka wada kooban oo dusha kala socota inaan xisbiga xukuumaddu doorashada u adeegsan hantida, warbaahinta iyo ciidanka qarankaba. Waxa kale oo warku tibaaxay in Mucaaridku kulankaas ka sheegeen in laga wada-hadlo sharciyada xukuumadda wixii ka dambeeya 6-da May 2009.
 
Dhinaca kale, Madaxweyne Riyaale ayaa isna warku tibaaxay inay doodiisu ku salaysnayd in cayimaada wakhtiga doorashada uu sharcigu xaq u siinayo inay cayimaan Komishanka Doorashooyinka, isla markaana ay muddo-kordhinta Guurtidu tahay mid distoorka waafaqsan.
 
Marka la eego mawqifyada ay kala taagan yihiin dhinacyada mucaaridka iyo muxaafidku iyo go’aanka laga sugayo guddida dhexdhexaadintu inay xal ugu hesho khilaafkan, ayaa waxa muuqata inaan labada dhinac midna weli muujin wax tanaasul ah, balse ay culayskii arrintu lahayd dusha u saareen guddida dhexdhexaadinta, taas oo looga fadhiyo inay gaadho go’aan xal u noqda is-mari-waaga siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaridka.
 
Inkastoo ay dadweynaha reer Somaliland si weyn isha ugu hayaan ugana dhursugayaan dhexdhexaadinta axsaabta qaranka, haddana waxaa jira walaac laga qabo in go’aan kasta oo ka soo baxa dhexdhexaadintan aanu noqon doonin mid ay dhinacyada ku wada-qancaan, waxaanay dadka maankooda ku soo dhacaya khilaafkii kan la midka ahaa ee sannad ka hor ay guddi culus oo ay isugu tageen aqoonyahan, abwaan, culimaa’udiin iyo waxgarad kaleba ku dhexdhexaadiyeen dhinacyada maantana khilaafku u dhexeeyo, hase yeeshee go’aankii ay guddidaas xilligaas soo saartay uu Madaxweyne Riyaale ku gacan-saydhay, isla markaana ay guddida lafteedii ku kala qaybsantay, iyadoo ay xubno ay ka mid ahaayeen labada Abwaan ee Gaariye iyo Hadraawi oo guddidaas ka mid ahaa si cad u fagaare uga sheegeen in go’aankoodii uu ka fuliyay dhinaca Riyaale, halka xubnihii kale ee guddidaasi ay qaarna ka aamuseen kuwo kalena difaaceen Riyaale.
 
Si kasta ha ahaatee khilaafka wakhtigan Maamulka Somaliland ka taagan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka sal ballaadhan kii sannadkii hore, isla markaana ka dhashay heshiisyadii hore ay axsaabtu u wada-gaadheen oo la fulinwaayey, taasina ay keentay kalsooni darro iyo is-aamin la’aan u dhaxaysa Mucaaridka iyo xukuumadda. Sidaas darteed waxay dadka reer Somaliland guddidan dhexdhexaadinta ka filayaan inay go’aan cadaaladeed oo adag ku soo af-jarto khilaafka, iyadoo aan dhinac u xaglin.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com