shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo Sheegtay Inaan Go'aanka Baarlamaanka Soomaliya ee ku dhaqanka Sharecadda Islaanka Aanu Khusayn.
 

(Garoowe,  April 22,  2009 Ceegaag Online) 

Shir aan caadi ahayn oo maanta uu yeeshay golaha xukuumada Puntland ayaa lagu gorfeeyey qodobo ay ka mid yihiin xeer hoosaadka golaha, hirgelinta nidaam talowadaag ah, arrimaha burcad badeeda, iyo mawqifka xukuumada Puntland ee go'aanka baarlmaanka dawlada federaalka ah ee Somaliya.
 
Falanqayn dabadeed ayaa xukuumada Puntland ay go'aamisay in go'aamka ay dhawaan gaareen mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somaliya ee ku dhaqanka shareecada Islaamku aanu khusay Puntland, aanuna ahayn mid ay talo ku lahayd.
 
Hore ayaa dawlada Puntland ay marar badan uga dayrisay siyaasada guud ee dawlada Somaliya,Iyadoo dawladd goboleedka Puntland shaki ka muujisay hirgelinta nidaamka federaalka ah oo madaxda Puntland ay sheegtay in uu yahay kan keliya oo cuntami kara Puntland.
 
Is-maandhaafka siysaadeed ee labada dhinac ayaa salka ku haya kee ku mudan in lagu maamulo Somaliya: nidaam diini ah oo aanu jirin hal wadan oo uu ka hirgalay, iyo kan cilmaaniga ah (secular) ee caalamka oo dhan laga isticmaalo.
 
Inkasta oo dastuurada dawlada Somaliya iyo kan Puntland-ba ay saldhig u tahay diinta Islaamku, ayaa hadana waxaa jira meelo badan oo uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka. Is-waafajinta labada nidaam, dabakhaada shareecada Islaamka ee nidaamka dawliga ah, iyo hirgelinta nidaamka diiniga ah ayaan ahayn qorshe sahlan oo u baahan khuburo ku takhasustay, xirfadley kartideed leh, dhaqaale ku filan, hay'ado dawli ah oo hirgelintiisa qaabilsan, hoggaan kartiyeed daacad ka ah, iyo taageero caalami ah.
 
Nasiib darro waa ay adag tahay in intaa laga helo Somaliya. Waxaa iyana adag in caalamku uu u dheg raariciyo g'aanka baarlamaanka Somaliya. Waxaan iyana sahlanayn in kooxaha kale ee diimeed ee ka soo horjeeda dawladu ay taageeraan siyaasada dawlada.
 
Su'aalaha ugu mudanise ayaa ah:
 
- Sidee looga hirgalin karaa Somaliya shareecada Islaamka?
- Xagee laga hirgalinyaa?
- Yaase ay tahay in ay hirgaliso?
 
Puntland waa dawlada goboleedka keliya ee hore u taageeray dawlada Somaliya, waana maamulka labeeya Somaliland ee ka jira Somaliya. Somalilnad ayaan ictiraafsayn dawlada Somaliya, inkasta oo ay muujisay debacsanaan siyaasadeed oo ku wajahan hoggaanka cusub ee Somaliya.
 
Shirka Maanta waxaa guddoomiyey M/weyne ku xigeenka Puntland Md. C/samad Cali Shire, waxaana ka soo qayb galay badi wasiirada xukuumada Puntland.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com