shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Koonfur Africa oo ay ka bilaabatay Doorashooyin Heer Qaran ah.
 

(Koonfur Afrika,  April 22,  2009 Ceegaag Online) 

Koonfur Afrika

 

Inta Badan Shacabka Reer Koonfur africa ayaa Maanta u dareeray Doorashoyin Caalami oo ah kuwo heer qaran ah iyadoo la filayo Inay Saadashu Tilmaamayso in Doorashoyinka lagu Xoojiyo Awooda Xisbiga Taladda Dalka Hogaamiya ee ANC.
 
Goob-joogayaal ku sugan inta badan xarumaha codaynta ee gaaraya ku dhawaadka 20-ka kun ayaa sheegaya in ay dad aad u badan u soo bexeen codaynta saacadihii hore ee Arbacada maanta ah.Saraakiisha maamulaysa doorashada ayaa sheegay in ay doorashadan isku diiwaan galiyeen dad tiradoodu gaarayso 23 milyan.
 
Sahamada la qaaday ayaa muujinaya in xisgiba ANC ay u badan tahay in uu ku guulaysto 60 boqolkiiba cododka, inkasta oo uu xisbigu la dhutinayo kala jab ku yimid markii uu ka farcamay xisbiga kale ee the Congress of the People COPE.
 
Xisbigan COPE ayaa waxaa dhisay siyaasiyiin horay uga tirsanaa xisbiga ANC oo ka carooday markii madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki lagu khasbay in uu iscasilo sannadkii hore.
 
Haddii uu guulaysto xisbiga ANC sida la filayo, waxa ay u badanaan doontaa in hogaamihaya xisbiga Jacob Zuma uu noqdo madaxwaynaha soo socda ee Koonfur Afrika.
Inkasta oo ay sahamadu saadaalinayaan guul wayn oo ay gaaraan xisbiga ANC, haddana waxa ay dhinaca kale muujinayaan in xisbigu lumin doono aqlabiyaddiisii saddex meelood labada meelood ahayd taasoo u ogalaanaysay in ay wax ka badalaan dastuurka iyaga oo aan kala tashan xisibiyada kale ee dalka.
 
Koonfur Afrika ma laha doorasho ay dadka si toos ah u doortaan madaxwaynaha.Dalka waxaa laga qabtaa doorashooyin guud, doorashadaa kadib ayaa barlamaanka cusubi doortaa madaxwayne.
 
Goobaha codbixinta ayaa furnaan doona 14 saacadood isu-gayn.Inkasta oo uu xarun walba ay suuragal tahay in ay sii dayso natiijada cododka ay qabatay ka hor inta aan la isku gayn tirada guud ee codaysay, haddana natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaan la filayn inta ka horaysa Sabtida.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com