shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Puntland oo soo Gaaray Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

(Garoowe,  April 23,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa Maanta soo gaaray Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dawladd Goboleedka Puntland waxaana Madaxweynaha soo degay abaarihi 8:30 galabta waxaana soo dhaweyey dadweyne aad iyo aad ufaro badan oo ka tirsan Shacab waynaha Magaaladda Garoowe.
 
Wadooyinka Magaaladda Garoowe ayaa Dhamaanba la xiray Wakhti hore oo Maanta ah waxaana Madaxweynaha soo dhaweyey Dadweyne aad ufaro badan oo ka mida shacabka Shacabka Magaaladda Garoowe.
 
Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyey Shacabweyne aad ufaro badan oo ka tirsan Magaaladda Garoowe madaxweynaha aya waxaa u galbiyay xarunta madaxtooyadda Gawaari aaad ufaro badan.
 
wuxuuna sheegay in muddo 8 bari ah ay ku maqnaayeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayna aad u mashquuleen oo ay yeesheen kulamo isdabajooga oo xiriiris ah balse uusan wax faafaahin ah ka bixin waxyaalaha kulmadaasi looga hadlay balse wuxuu sheegay in ay guul iyo isfahan ku dhamaadeen dhammaan kulamadaasi.
 
M.waynuhu wuxuu ka hadlay ooin Puntland ay ku noqotay boog aad u xun burcad-badeeda wuxuuna sheegay in aad uga xun yahay in ay muddooyinkii dambe ay soo xoogaysteen burcad-badeedu ayna la yimaadeen dhaqamada xunxun sida khamriga, sinada iyo dhammaan fawaaxishta Alle reebay oo dhan.
M.waynaha ayaa balan qaaday in uu Saxaafada la hadli doono marka uu nasto oo siin doono waribixino dheeraad ah ugana jawaabi doono su'aalaha la waydiiyo.
 
Marka la eego Safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqonaya mid uu mudo ku joogay Magaaladda Nairobi isagoo la kulmay masuuliyin aad ufara badan oo ka tirsan beesha caalamka iyo sarakiisha Qaramadda Midoobay isagoo kala hadlay xaaladaha la xariira Puntland oo ay ugu waynayd Burcadd Badeeda oo indhaha Caalamka Puntland ku soo jedisay.
 
Iyadoo ay jirtay Gargaar caalami ah oo uu dalbaday Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo uu sheegay inuu doonayo in maamlkisu kula Dagaalamo Kooxaha Burcadd badeeda.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com