shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladd Goboleedka Puntland oo Dhaliil u jeedisay Dawladda Somalia.

(Garoowe.  May 02,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dawladd Goboleedka Puntland Warsaxafadeeda ka soo saaray Saxaafadana u Akhriyay Dawladd Goboleedka Puntland iyadoo uu saxafadan u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac .

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboledka Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo isagu weriyayaasha u aqriyay war saxaafadeedkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu ay dhaliilsan yihiin deeqaha kala duwan ee dowlada Federaalku dibeda ka hesho oo uu sheegay inaan si cadaalad ah oo isku mid ah loogu qeybin dhamaan qeybaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in ay soo jeedinayaan in deeqaha wadanka soo gala si hufnaan ah loo qeybiyo oo Puntland Qeybtooda la soo gaarsiiyo.

War Saxaafadeedkaasi ka soo baxay Maamul-Goboleedka Puntland ayaa sidoo kaleto dhaliil loogu soo jeediyy Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla oo ay sheegeen inaanu ku ixtiraamin ka qeybgalida shirarka caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya looga hadlo.

Puntland ayaa Tabaysa Daldaloolka Nidaamka Federalka ah oo haatan aanay Isticmaalin Dawladda Kumeel gaarka ah ee Shariifku Madaxda u yahay waxaana jirta in Dhawr jer oo hore Xukuumadda Puntland ay arrintaasi ka hadashay iyado Puntland mar kasta ku adkaysanaysa inay tahay Maamul isku filan oo dal badan ka taliya walaw ay xitaa dhawr jeer Puntland ku dhawaaqday inaanay aqoonsanayn Dawladda somalia waxaana ay Puntland badanaa sheegta in Nidaamka Federalka ah ay ku qanacdo maadaama Dawladdi hore ee uu hogaamin jiray Madaxweyne Yuusuf ay ahay dawlad Wasaarad gaara u lahayd Nidaamka Federalka oo ayna Puntland sidaasi oo kale Doonayso.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com