shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Saamaynta Safarkii Garaad Jaamac Garaad cali iyo Shirkii SSC ee Nairobi.

(Nayroobi.  April 16,  2009 Ceegaag Online)

Shir Balaaran ayaa ay isugu Yimaadeen Guud ahaan Jaaliyadda SSC waxaana ay kulan ku yeesheen Nairobi shirka Waxaa ka Qaybgalay Garaadka Guud Ee SSC waxaana uu garaadku shirka kula Mataansanaa Ururka NSUM oo ah urur si wayn ugu Dhaqdhaqaaqa sidii Dib loogu Hananlahaa Caasimaddi SSC ee Laascaano oo ay Haystaan Maamulka Hargaysa.
 

Garaad Jaamac Garaad Cali(Garaadka Guud ee Beesha SSC) ayaa Xogwaran Dheer ka jeediyay Halkaasi "Garaadku wuxuu ugu horrayn ka warramay xaaladda guud ee dalkii k jirtay maadama uu dalkii ka yimid dhawaan, warbixin guud ka dib wuxuu sheegay in loo baahan yahay Talo deg-deg ah, isla markaana la Aasaaso Jaranjaro lagu fuulo meel kasta.

Garaadku wuxuu sheegay in aysan doonaynin Dhiig Muslim qofkii doonaana uusan wanagsanayn, laakiin wuxuu ka digey in la Kallifo, wuxuu sheegay "In aysan taariikhda meella kaga oollin meel ay ku noqdeen waxa loogu yeedho S/land, wuxuuna sheegay in ilaa bilawgii gumaystaha ilaa dhammaad aysan jirin meel ay kula heshiiyeen".

Garaadku wuxuu is waydiiyey maadama aan diidney Dawladdii Ingiriiska bal sida ay ku ogolaan karaan dadkii Raaciyadda u ahaa?. Wuxuu sheegay Garaadku in waxaa la isku hayaa ay tahay Qaddiyad Soo bilaabatay 80 sano ka hor, wuxuuna isagoo faah faahinaya sheegay in ay ku qotonto Midnimadda Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay Garaadku in ay Midnimadda Soomaliyeed Muqaddas tahay, isla markana aysan marnaba yeelayn in kala go'do Soomaali, wuxuu sheegay in ay Qaddiyadda Soomaaliyeed u soo halgamayeen muddo ka badan 20 sano, haddana ay diyaar u yihiin in ay difaacaan.

Garaadku wuxuu ugu dambaynti shacabka SSC ugu baaqay Midnimo iyo in ay u diyaar garoobaan Hawl horu socod ah, wuxuuna ka digey in aan la is ilaawin, wuxuu sheegay Garaadku in uu diyaar u yhay in lala shaqeeyo cidkasta oo wadda danta SSC, isagoo sheegay in waxii loo doortay ay tahay danta Umadda, wuxuu sheegay in Codka SSC loo baahan yahay in uu noqdo mid muuqda, iyagana si toos ah uga soo go'a.

 
Dhanka Kale Marka la Eego Gayiga SSC waxaa si aada isna halkaasi ka hadlay Afhayenka NSUM Dr. Cismaan Xasan Waxaana u Taabtay Saadaasha Shacabka iyo Baadi goobka Soo Celinta Magaaladda Laascaanood.
 
Garaadka ayaa sidoo kale Booqashadiisi Nairobi waxaa uu Kulan Saddex Geesood ah la Qaatay Axmed oul Abdalla Wakiilka Gaarka ah ee QM soomaliya waxaana Qayb ka ahaa Ururka NSUM iyo Garaadka waxaana halkasi lagu Falanqaynayay Taariikhda Soo Jireenka ah ee Shacabka SSC iyadoo Garaad jaamac Garaad Cali Warbixin dheer Siiyay Wakiilka Axmed ould Abdalla "oo ugu horrayn uga mahad celiyay Wakiilka sida sharafta leh ee uu u soo dhaweeyey Waftiga iyo qaabilaadiisaba, intaas ka dib Garaadku wuxuu warbixin waafi ah ka siiyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta Dhulka SSC. Wuxuuna ka sheekeeyey dhibka iyo Barakaca dadka ka soo gaadhay Duulaankii ay soo qaadeen Maamulka Hargaysa. Garaadku wuxuu sidoo kale ka faallooday Taariikhda Ummadda SSC iyo halgankoodii Gubonimo doonka ahaa. Garaadka isagoo Qeexaya Taariikhda Reer SSC wuxuu sheegay in muddo hadda laga joogo qarni ay Midnimada Soomaaliya Daraaddeed uga shihiideen 3 meelood 2 meelood ahaan dadka Reer SSC.
 
Dhaxdinta Hadalka waxaa Qaatay Sidoo kale Axmed Ould Abdalla oo Sheegay"in haddii aysan SSC ka mid ahaan lahayn Waqooyiga aysan dhacdeen in Soomaali oo dhan ay Midoowdo "Waan ogahay in Reer Sool, Sanaag iyo Ayn ay ahaayeen dadkii sababteeda laha Midawgii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee la Unkay 1960kii."dhaliyeena midnimada Soomalida, ayn tahay lama taabtaan resulutionkii ugu danbeeyayna uu sidaa qayaxaayo.
Ambassadorku wuxuu sheegay in UN Security Council ku ay ku celceliyeen. Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay talada Garaadka iyo dhammaan Xubnaha Aqoon-yahanada ah ee ku Bahoobey Ururka NSUM.
 
Dulucda Safarka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ah Midaynta iyo Sidoo loo heli lahaa Gobolkii Sool oo la haysto Mudo Dhan 549-Maalmood oo ka badan in sanad ah.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com