shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Mexico oo Bilawday Hawlo lagu Xakamaynayo Viruska-Hargabka Doofaarka oo ka Dilaacay Wadankaasi

(Mexico,  April 26,  2009 Ceegaag Online)


Viruska Hargabka Doofaarka ayaa si xun uga Dilaacay Dalkaasi Mexico iyadoo Cudurkan markii la arkay la xiray Goobo badan oo ay dadka isugu Yimaadaan Dalkaasi Mexico iyadoo Magaaladda Caasimadda ah ee Mexico City goobaha Jaamacaddaha Hoteladda iyo Goobaha kale ee dadka isugu Yimaadaan la xiray.
 
Viruska Hargabka Doofaarka ayaa waxaa ay Dawladda Mexico Sheegtay inu uga so talaabay Dalkaasi Maraykanka iyadoo Doofaar Mudoo ku xanuunsanayay Koonfurta Dalkaasi Maraykan ka uu sababay Cudurkan halista ah waxaana ay sheegtay dawladda Mexico inay Hakinayso Isu socodka Labadda wadan.

Sidoo kale Hayadda WHO ayaa markii ugu horeysay ka hadashey cudurka virus-ka duruyga ee haatan ka dilaacay wadanka Mexico isla markaana usii gudbay wadanka Mareykanka.

Margaret Chan oo ah haweenay u hadashey hay’ada WHO ayaa waxay sheegtey in Virus-kan uu ku dhaco noolaha gaar ahaan bini’aadamka iyo shimbiraha nooca bad jooga ah, isla markaana uu sababi karo dhibaato xoogan hadii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Mss Chan waxay farta ku fiiqdey in cudurkan ilaa iyo hada wadanka Mexico ugu geeriyoodeen 81 qof, halka 11 qof oo kalena ay ula ildaran yihiin, kuwaasi oo 7 ka mid ah ay ku nool yihiin California, sadex kalena Gobolka Taxes iyo hal qof oo ku nool Kansas.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in cudurkaasi lagu arkay magaalada New York Iskool ay dhigtaan in ka badan 200 oo ardey, kuwaasi oo 8 ka mid ah la sheegay in uu hada saameeyey cudurkaas

Waxaa isna qiray in ay jirto khatarta cudurkan sarkaal sare oo ka mid ah kooxda caafimaadka Maraykanka ee CDC oo ku sheegay in uu yahay cudurkan mid aad ugu fidaya dalkiisa oo anan waxba laga qaban Karin.

Dadka ilaa iyo hada cudurkaasi ugu geeriyoodey wadanka Mexico waxaa la sheegay inay u badan yihiin caruur, waxaase jira dad waa weyn oo iyaguna u geeriyoodey cudurkaasi sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi.

Marka la eego Cudurkan sida wayn ugu Daashaday Dadka ee Mexico ayaa noqonaya Cudur dabar goyo ah oo dhibaato iyo Kayli badan ku haya Dalkaasi.

Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com