shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xisbiga Kulmiye ee maamulka Somaliland oo maanta Dhigay Dibadbaxyo Balaadhan.

(Hargaysa,  April 20,  2009 Ceegaag Online) 

Dibadbaxyo balaaran oo uu so agaasimay xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye loogana soo hor jeeday dowalada Daahir Riyaale ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Waxaa maanta Dibadbaxo waaweyn ay Hareeyeen magaalooyinka Maamulka Somaliland kuwaasi oo uu soo qabanqabiyay Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dhigayaan isku soo baxyo nabadeed.

Dadka isku soo baxay ayaa waxaa maanta magaalada Hargeysa kula hadlay gudoomiyaa xibiga Kulmiye Max’ed Max’uud Silanyo iyo Weliba ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici,waxaana ay dhamaantooda sheegeen in dowlada Somaliland aysan caburin Karin oo ay isugu soo baxayaan xafiisyadooda iyo weliba goobaha kale ee ay dalka ka degan yihiin.

Masuuliyiinta Xisbiga ayaa waxaa ay maanta sheegeen in ay joojinayaan isku soo baxyadani maadaama sida ay sheegeen ay wada hadalo u socdaan iyaga iyo xukuumada Somaliland.

Hadalkani uu maanta xisbiga Kulmiye ku sheegay in ay joojinayaan banana baxyada ayaa waxaa uu ka danbeyay kadib markii la sheegay in saacadaha soo aadan ay kulan yeelan doonaan masuuliyiinta 3-da xisbi ee Somaliland ka jira iyo golaha wakiilada kaasi oo lagu doonayo in lagu xaliyo qilaafka ka dhex taagan.

Isku soo wadda duubo waxaa maalmihi ugu dambeeyay ka taagna magaaladda hargaysa Muran u dhexeyay Xisbiyada mucaaradka iyo Dawladda Somaliland.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com