shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Hay’adda SCERDO oo ku qabaty Jaamacadda Alberta University  seminar ku saabsan shaqa qorista iyo qorshaynta nolosha  dhallinyarada Soomaaliyeed.

(Edmonton, Alberta.  April 06,  2009 Ceegaag Online) 

  Waxaa shalay lagu qabtay jaamacadda wayn ee ku taalla magaalada Edmonton ee dalka Canada seminar loogu talogalay in ay ka faaiidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan oo baryahan ay soo foodsaaratay cabsi xagga ammaanka ah. Seminaarkaas oo ka mid ah seminaarro taxane ah  soconna doona muddo sannad ah laguna bari doono dhallinyarada Soomaaliyeed dhaqanka, nabadgalyada, ammaanka, akhlaaqda iyo shruucda ayaa waxaa bixin doona khubaro ku xeeldheer cilmiyadaas kala duwan ee kor ku xusan. Waxaa seminaarkii shalay ka soo qaybgalay dhallinyaro ka mid ah kuwa loo diiwaangalaiyay mashruucan, madaxda ururka SCERDO, aqoonyahanno wax ka dhiga jaamacadda Edmonton iyo warbahinta gudaha.

 

Waxaa seminarkaas si gaar ah u daadahaynayay Dr. Arnes Khalem oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda kuna takhakhusay cilmiga bulshada. Dr Arnes  ayaa u soo bandhigay ardaydii ka soo qaybgashay seminarka daraasado fara badan oo uu ku sameeyay nolosha biniaadmiga gaar ahaan cilmiga shaqo qorista iyo isku fillaanshaha qofka iyo qoyskaba.

 

Dr. Arnest oo markiisii hore u dhashay dalka koonfur Afrika ayaa la qaybsaday ardayda Soomaaliyeed sidii uu uga samatabaxay dhibaatooyinkii dhaqan dhaqaale ee soo maray yaraantiisii markii ay qoskiisii u soo haajireen dalka Kanada horraantii sanadihii lixdamaadka. Waxa kale oo khabiirku u soo bandhigay dhallinyarada cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan sida shaqada loo raadsado iyo sida loola dhaqmo dadka aad isku meesha ka shaqaysaan. Seminaarkaa ayaa ku soo gabagaboobay guul iyadoo dhallinyaradii ka qaybgashay ay aad uga faaiidaysteen codsadeenna in uu markale u bixiyo cashar la mid ah kan uu manta siiyay.

                                                                           

Daawo  Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com