shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Heshiis Badeedka Soomaaliya iyo Kenta oo lagu qiyameeyay Xukuumada Soomaalida

(Soomaaliya.  April 08,  2009 Ceegaag Online) 

Heshiis badeed ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kenya shalay ayaa durdaba waxaa soobaxayo daldaloolo ay ku guuldareesteen masuuliyiinta Soomaaliya inay gartaan ama marka hore ka baaraan degaan.

Heshiis badeedkan ay sexeexday dawladu uu horkacayo Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa ilaa hada u muuqda mid lagu qiyaameeyay, Haayada Badaha aduunka u qaabilsan Badaha iyo Xuduudaha ayaa si xaglin ah uga aqbashay in Bada Soomaaliya la koobo si loogu daadiyo Sun ama looga samaysto Ceelal shiidaal oo ay Soomaalidu wax shaqo ah ku lahayn.

Dhulkan hada Kenya lasiiyay ayaa ah dhul aysan wax shaqo ku lahayn dadka go'aamiyay in Kenya lasiiyo iyadoo wali ay socoto bililiqaysigii Soomaaliya ayaa hada waxaa ay u muqataa in lasoo gaadhay wakhtigii waxahadhay ee dhul ama bad ah laga iibin lahaa hadba qofkii Lacagwata iyado oo la eegayo uun in dhulka ama bada la'iibinayo uusan qabiilkaagu lahayn.

 

Hadana sidan ayuu noqonayaa

Dhinaca Yaman Xadkii Hore

Dhinaca Yaman Xadkii Hada ah

Sawiradan waxaa laga soo min guuriyay Buuga Badaha Soomaaliya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com