shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Caawi oo garabsii walaashaada Islaamka ah ee Indhadeeq Jaamac Faarax oo dhibaato ay ku hayso Buro.

(Widhwidh.  April 11,  2009 Ceegaag Online)

Indhadeeq Jaamac faarax cali waxa ay 1992 ku dhalatay tuuladda Bali-cad oo ka tirsan degmadda Widhwidh waxaanay ku barbaartay isla degaanka Widhwidh iyadoo quraanka iyo waxbarashadda hooseba halkaasi ku soo qaadatay.

Waxay markii ugu horeysey sida uu ii sheegay aabeheed Jaamac bilawday xanuun madaxa ah sanadkii 2002dii kaasi oo marba marka ka danbaysa soo kordhaayey ilaa uu gaadhsiiyey inay sarajooga ka dhacdo ama ay garan kari weydo halkii ay u socotey.

Waalidkeed waxa ay ku dadaaleen inay ka daweeyeen dhibaatadda haysata gabadhooda balse waa ay ka quusteen markii ay geeyeen dhakhaatiir ku sugan wadanka Itopia ayna u sheegeen inaan Afrika waxba lagaga qaban karin ciladda haysatana ay ku sheegeen inay tahay buro maskaxdda kaga taal.

Waalidkeed kagama hadhin intaasi ee waxa ay hadana mudo ku daaleen dhakhaatiir wadanka joogta sida Dr. Gaboose iyo Dr. Maxamed Jaamac oo labaduba kala jooga Hargeysa iyo Gaalkacayo waxna ka qabta neerfaha xanuunadda ku dhaca.

Hadaba Indhadeeq oo haatan 17 jir ah waxay u baahan tahay taakulo cid kasta oo talo dhaqaale iyo tilmaanba waa u baahan tahay iyada iyo waalidkeeda dhibaniba waxa ay dadka muslimiinta ah ka codsanayaan in loo koco si loo badbaadiyo.

wixii xidhiidha waxaa lagala  xidhiidhi karaa ciwaanadan hoos ku xusan:

Walaasheed Foosiya Jaamac  tel 0025224491767 ama emailadan:

lsds2006@hotmail.com     daljir69@gawab.com

Hussein Cawil Aden  oo jooga Holland  Tel:0031-634141905 Maxamed94@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com