shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland.

(Garoowe,  April 23,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa Codsaday inay Baarlamaanka Dawladd Goboledka Puntland yeeshaan Kalfadhigodi ugu horeyay ee ay Abid yeeshan tan iyo intii la dhisay Xukuumadda Dawladd Goboledka Puntland waxaana Baarlamaanku ka doodayeen Barnaamijyo Gaara oo su'aallo lagu waydiinayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.
Qodobadda Dhaxal galka u ahaa Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland aya ahaa:
 
1- Ka doodida in codka kalsoonida lasiiyo wasiirada Puntland iyo In kale.

2- Ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland oo horay muran badan ay uga soo jeediyeen Xildhibaanada baarlamaanka Puntland, maadaama xildhibaanada hada joogaa ay yihiin intooda badan kuwii hore.

3- Meelmarinta Miisaaniyada sannadk 2009-ka oo ah tii ugu horeysay ee uu soo diyaariyo wasiirka wasaarada Maaliyada iyo Xukuumada Dr. Faroole.

 
Fadhiga waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka sida sharcigu qabo C/rishiid Maxamed Xirsi, hadii uusan maqneyn waxaana jooga oo ka qeybgalayay Golaha Wasiiradda Barlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.


Hadalo kala gedisan ayaa laga jeediyey waxaana hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo ka hadlay sababaha keenay in fadhigan uu dhaco ama la dadajiyo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la shaqeeyo, waxa ay kulmeena tahay in ay la xisaabtamaan dawladda ama Xukuumada.

Shirka waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyey xubno ka tirsan gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland waxa ayna warbixino ka bixiyeen xaaladaha ay ku sugan tahay, siiba waxa ay soo qaadeen amaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasada.

Kusimaha Madaxweynaha oo isna ka hadlay fadhigan ayaa sheegay in ay waxyaabo badan qabteen mudadii ay xilalka hayeen, isagoo sheegay in ay uga mahad-celinayaan baarlamaanka la xisaabtamka, isagoo tilmaamay in hadii aan lays dabagalin aysan waxba saxmeyn.
 
Sida oo kale Kalfadhiga ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo Dhawaantan ka qaybgalayay Shirkii Golaha wasiiradda uu ka hadlay arrimaha ku Dhaqanka Shareecadda Islaamka waxaana uu sheegay"Shareecadda Diinta islaamka Cid diidi karta ma jirto inagoo ah waliba dad Islaam ah Afdiidi karana ma jiro oo dhahaya Ma ogolin ku dhaqanka Shareecadda Islaamka Go'aankasna waan soo dhawaynaynaa Haddi aan Waxba ku hoos jirin!.
 
Iyadoo ay jirto Kulan baarlamanka Puntland yeeshay oo sheegayn inaan khusayn ku dhaqanka Sharecadda Islaamka Marka taas laga soo tago Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee Baarlamaanka Puntland ayaa ah mid ahmiyad gaara lahaa waxaana laga Baaran degayay Qodobadda Kor ku xusan.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com