shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumadda Somaliland oo ku Baaqday Wadaxaajood iyo Wadahadalo Nabadeed.

(Muqdisho.  April 16,  2009 Ceegaag Online)

War saxaafeed ayaa waxaa Maana Magaaladda Hargaysa ka soo saaray Gudoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB ee Taladda haya Cumar Jaamac Faarax waxaana uu warsaxaafadeedku u qornaa sidatan" waxa xisbigu ku adkaystay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka geysan karta wadahadal dhexmara iyaga axsaabta mucaaradka ah si loo soo afjaro khilaafka cakiran ee waqtigan dalka ka aloosan, iyagoo dhinaca kalena deedafeeyey in urur-siyaasadeedka UDHIS xukuumaddu ka diiday gogol wadahadal ay fidiyeen, balse iyadoon ururkoodu xeerarka dalka waafaqsan, haddana ka oggolaadeen in dhexdhexaadinta ku galaan sifo odaynimo.
 
Haseyeeshee, waxa UDUB quus ka muujisay in kooxda UDHIS natiijo waxtar leh ka keeni karaan dhinaca xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in hore siyaasadda ugu kala fogaadeen.
Warsaxaafadeedka UDUB oo sidoo kale lagu taxay eedaymo culus oo uu u xambaariyey xisbiga KULMIYE iyo weliba talooyin ku socda axsaabta mucaaradka ah oo ku wajahan suurtogalnimada qabashada doorasho xalaal ah oo dalka ka qabsoonta waqtiga cusub ee Komishanku u cayimeen, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
"Waxaynu seeska u dhigaynaa qaran aynu doonayno inaynu ka mid noqo beesha caalamka aqoonsina ka helo, waxaynu ka guuraynaa qaab ku dhisan qabiil iyo beelo. Waxaynu samaysanay axsaab badan oo u tartanta hoggaanka dalka si hufan.


Waxa beryahan ka soo baxaya xisbiga KULMIYE hoggaankiisa sare hadallo aan ku habboonayn maamuuska dawladnimo iyo sawirka aynu tusayno beesha caalamka aynu aqoonsiga ka rabno. dawlad ma jirto, madaxtooyada waan kaa soo saaraynaa iyo hadallada aan fiicnayn afka jirrida ah sida ‘waan ka gashanay!’ waa hadallo lagu kicinayo shacabka, laguna abaabulayo nabadgelyo-darro ka dhacda dalka oo aynaan qaadi karin waqtigan, horseedina karta dagaal iyo isku dhac dhexdeena ka dhaca.
 
Waxan ka badbaadnay khatar weyn oo xisbiga KULMIYE dabada ka riixayey oo ah in Golaha Guurtida ay ka soo baxdo inaan maalin loo kordhin xakuumadda.
 
Bal qiyaasa maxaa iman lahaa hadday sidaa wax u dhacaan? Waxase yaab leh in xisbiga KULMIYE oo kalsooni weyn siiyey Golaha Guurtida uu ku tilmaamo go’aankaas mid ayaan-darro ah, isagoo ku farxi lahaa hadday sida kale u dhacdo. Waxa ka daran waxay markiiba sheegeen in Golaha Guurtidu aanu xaq u lahayn inuu xaddido waqtiga doorashada, kuna dhawaaqeen inay tahay xaqa Guddida Doorashada Qaranka, markii Komishanku go’aanka maalinta doorashada soo saarayna ay diideen. Markaa hoggaanka xisbiga KULMIYE miyaanu ismaqal hadallada isdhaafsan ee maalin walba ka soo baxaya?
 
Waxa xisbiga UDUB ka go’an:
In la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo waafaqsan xeerarka doorashada ee dalka u yaal;
In aannu si sharci ah ku qancino, kuna wadahadallo axsaabta qaranka;
In aannu aragno, dhegaysano cid kasta oo arrintaas gacan ka geysanaysa;
Qolada UDHIS ma aha urur xeerka dalka waafaqsan, hase ahaatee waxaanu ka aragnay odayaal, waanuna ka aqbalnay inay sifo odaynimo wax ku dhex-galaan, inkastoo aanaan rajo ka qabin inay xal ka keeni karaan raggii ay shalay fakirka siyaasadeed ku heshiin waayeen, kana ka baxeen.
 
Waxaannu xisbiga KULMIYE ugu baaqaynaa:
Aan ka wada shaqayno sidii doorasho innoogu qabsoomi lahayd, waqti dambena aannu innooga lumin, dib-u-dhac dambena innoogu iman.
Ku kalsoonaada hay’ahada Guurtida, Komishanka Qaranka iyo kuwa kale ee dastuuriga ahba;
 
U diyaargarooba sidii aynu u dhammaystiri lahayn hab-dhaqanka iyo anshaxa doorashada (Code of Conduct), ugana wadahadli lahayn sidii aynu hore ugu marin lahayn dimoqraadiyadda iyo doorashada.
 
In aynu gacan ku siino Komishanka Qaranka hawlaha doorashada;
Ka waantooba kicinta dadka iyo cadaawad ku abuurka beelaha walaalaha ah, mana jirto cid si gaar ah loo takoorayaa, waana loo siman yahay xukuumadda;
Ogaada inaan qarannimo reero lagu dhisi karin, dadkana aan sugno inay hadlaan maalinta doorashada ee ay codkooda dhiibanayaan (Let the people speak their mind);
U caddeeya shacabka inaad doorasho diyaar u tihiin waqtiga la inoo xaddiday oo aan sidaa u fogeyn.
 
Waxaan Ilaahay u weydiinaynaa in xisbiga talada toosan Ilaahay waafijiyo," ayuu ku soo gunaanaday Cumar Jaamac warsaxaafadeedkiisa.

Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com