shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxweyne Cabdiraxman Faroole oo Oo ka Hadlay Dagaalkii Dhexmaray Ciidamadda France Iyo Burcadd Badeedda.

(Garoowe.  April 11,  2009 Ceegaag Online)

Mad. Faroolaha Puntland oo ka hadlaya Dagaalkii dhexmaray Dagaalyahanada Budhcadbadeeda iyo Ciidamada Faransiiska


Madaxweyanaha Dawladd Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan maxamed Faroole ayaa Maanta Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Madaxtoyadda magaaladda Bosaso kaga Hadlay Xaaladii Rabshadda Dhalisay ee ka dhacday Xeebta kulaasha Degmadda Xaafuun ee Dawladd Goboleedka puntland isagoo Sheegay in xukuumadda Cusub ee dawladd goboleedka Puntland ay Talaabooyin ka Qadi Doonto Kooxaha Caadaystay Qafaalashada Donyaha Caalamiga ah.
 
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa Sheegay in uu Aad usoo dhawaynayo Dagaalkii ay Ciidamadda France ku Qaadeen Doni Dalxiis oo ay afduubteen kooxo burcadd badeeda taaso sababtay in labo burcadd Badeed ah la dilo halka 4-na ay Qaateen ciidamadda France oo hawlgalka ka fuliyay Raasiga Degmadda Xaafuun Kulaala isagoo Sheegay in Xukumadda cusub ay waddo Qorshayaal wax loga Qabano Burcadd badeeda oo maalmihi ugu dambeeyay Far dheeratay Noqday iyago Qafaashay Tiro Marakiib Ganacsi ah iyo Kuwo gooshaya Xeebta Gacanka Cadan.
 
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku Nuux nuuxsaday in xumaada cusub ee puntland ay samayn doonto ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxaha Shuftadda badda oo ka qawlaysta xeebaha soomaaliya isagoo tilmaamay in burcadu ay ku heshiiyeen sidii ay sumcadd xumo ugu soo jiidi lahaayeen Dawladd Goboleedka Puntland isagoo ka codsaday Beesha caalamka inay ka taageerto dhaqaalaha ku baxaya ciidamo awood badan oo Dawladd goboleedka Puntland ka sacida sidii loo soo afjari lahaa kooxaha burcad badeeda isku soo wada duubo Shirka jaraa'id ee madaxweyne Faroole ayaa uu Qayla dhaan u diray beesha caalamka isago uga Tacsiyeeyay Cidii ku waxyeelawday Xeebta badda khatarta badan ee soomaliya Isagoo sheegay in ay Burcadd badeeda la dagaalami Doonaan ayna yihiin Dad bahdil ku heshiiyay oo soomaliya Meel kastaba isaga yimi.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
lacle1004@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com