shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyay Turkiga Ballan qaadyona ka helay halkaasi.

(Ankara.  April 18,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray maalintii shalay wadanka Turkiga halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gol ayaa kamid ahaa Mas’uuliyiintii soo dhaweysay waxaana lagu marti qaaday xarunta Madaxtooyada ee Wadanka Turkiga.

Cabdalla Gol Madaxweynaha wadanka Turkiga ayaa waxa uu u ballan qaaday dowladda Soomaaliya in arrimo badan uu gacan kasiin doono si ay u noqoto dowlad cagaheeda isku taagta.

Waxyaabaha uu ballan qaaday ayaa waxaa kamid ah dib u dhiska Ciidamada dowladda iyo tababar in loosiiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya sida uu ballan qaaday Madaxweynaha wadanka Turkiga.

Sidoo kale waxyaabaha uu Soomaalida ka caawinayo ayuu sheegay Cabdalla Gol in ay kamid yihiin Arrimaha Caafimaadka iyo tarbiyada taasi oo kaalin weyn ay ka qaadan doonto dowladda Turkiga.

Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh shariif ayaa soo dhaweeyay ballan qaadka, waxaana uu sheegay in arrinta ugu weyn ee iminka taagan ay tahay burcad badeeda aadna ay uga xun yihiin waxa ka dhacaya xeebaha Soomaaliya iyo kuwa kabaxsan lakin waxa uu sheegay wax ka qabadkiisa in dowladda ay u baahan tahay agab loojistiko in loosiiyo iyo tababar si ay wax uga qabtaan xaaladahaasi.

Beesha Caalamka ayuu markale ugu celiyay Sheekh Shariif in dowladda Soomaaliya ay garab kusiiso sidii burcad badeedka ay wax uga qaban lahaayeen isla markaasina uga hortagi lahaayeen.

Cabdala Guul iyo Sheekh Shariif

Daawo Sawirada intooda kale

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com