shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somalia oo Maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaaladda Magaaladda Muqdisho Kaga Hadlay Arrimo Badan.

(Muqdisho.  May 02,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Shir jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed waxaana uu kaga warbixiyay arimo badan oo ay ugu weyneed safaradiisii uu ku soo maray dalal badan oo ay ka mid ahaayeen dalal ku yaala qaarada yurub iyo qaar ka mid ah Dalalka Carabta oo ay ka mid tahay dalka masar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta dowladahaasi ay iskula soo qaadeen arimo badan oo uu carabka ku dhuftay in ay ka mid ahaayeen arimaha dhaqaalaha iyo taakuleynta dowladiisa, waxuuna madaxweynuhu intasi ku daray in ay isku soo afgarteen dhamaan waxyaabihi ay ka wada hadleen .

Madaxweyne shariif ayaa shirkiisa jaraa'id waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahayeen arimaha Amaanka iyo Burcad badeeda ka jirta qeybaha dalka isagoo shaaciyay in burcad badeeda Soomaalida loola dagaalami karo oo keliya in dib loo soo nooleeyo ciidamadii maariiniska ee dowlada Soomaaliya ayna dowladiisu ku guda jirto sidii ay dib ugu dhisilaheyd laamaha Amaanka badaha iyo berigaba .

Sidoo Kale Madaxweyne Shariif ayaa canbaareyey weerarada iyo dilalka loo geysto xubnaha barlamaanka KMG ee Soomaaliya. Madxweyne Shariif wuxuu tacsi u eheladii ay ka geeriyoodeen xubnaha barlamaanka ka tirsanaaa ee dhawaan toogashada lagu dilay oo uu sheegay inay la dilay iyagoo gudanaya waajibaad qaran Shariif wuxuu ugu baaqay kuwa dilalka geysanaya inay ka waantoobaan ficiladaasi oo ay ka waantoobaan.

Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlayay maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, wuxuu sheegay in siyaasada dowladiisu ee 2-da sano ee socota ay tahay in dhamaan gobollada dalka iyo maamuladooduba ay si midnimo qaran u midoobaan oo la helo maamul wanaag iyo dib u dhis isla markaana cidwalba waxa ay tabanaysano laga wada hadlo lana xaliyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com