shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxwayne Faroolaha Puntland oo bilaabay inuu  xukunka ku faafidiyo gobolada Mudug iyo Bari.

(Boosaaso.  April 04,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa batyahan danbe soo if baxaya awooda maamulka dawlad goboleedka Puntland, oo ay horay u curyaamiyeen markii ilihii dhaqaalaha lasiiyay dad iyagu sida ay doonaan ugu taktri fala.

Waxay ahayd markii dhawaan lagu xidhxidhayay culimada Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo arintaa oo ka shiftay inaan maamulku wax awood ah ku lahay labadaa magaalo marka laga reebo ixtiraan shaqsiyadeed.

Reer Taar oo uu horay u siiyay ilaalinta badaha Soomaaliya inta ku aadan Puntland madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayaa wali ka dhago adeegaya inay u hogaan samaan maamul kasta oo ay yeelato Puntland.

Xiisada ka taagan Boosaaso maanta ayaa ah mid salka ku haysa yaa ah awooda ka talisa maanta Puntland ma Faroole mise Qabaailadii sida xaqdarada ah loogu maaleeyay maalkii iyo hantidii shacabka reer Puntland.

CabdiWeli Cali Taar madaxa shirkada Somcan oo sii dayn la' Fursadii uu siiyay madaxwaynihii hare ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com