shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 MV Jaikur "Markabkii laga lahaa India oo 6-Bilood ka dib ka Furtay Dekedda magaaladda muqdisho".
 

(Muqdisho.  April 14,  2009 Ceegaag Online)


Waxaa maanta lasii daayay markab MV_Jaikur_1 in ka badan lix bilood ku xanibnaa dekada magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijisay hadayada uqaabilsan dhinaca badaha ee dalkaasi India, ayaa waxaa ay tilmaamtay in xoriyadoodi heleen 14 shaqaale ah oo ka shaqeynayay Markab lagu magacaabo MV_Jaikur –I oo ku xayirnaa Dekedda magaaladda Muqdisho.
 
 
Haydada Arrimaha la Xariira Baddaha ee India ayaa Waxay sidoo kale Sheegtay in Shaqaalaha Markabkani la socday Ay u kala dhasheen Wadamada India, Paskistan, Ciraaq, Somalia Iyo Filibin ay dhamaantood iyaga oo bad-qabta ay kabaxeen Dekedda magaaladda Mogadishu.
 
Xaalada Caafimaad ee shaqaalahan lagu haystay Markabka MV_Jaikur –I oo muran ka taagnaa ayaa waxaa la sheegay inay aad u fiican tahay Shaqaa-lahan ayaa waxaa xoriyadoodi laga qaaday 2-dii October ee Sannadkii tagey ka dib markii Mulkiilayaasha Markabkan ay ka shaqeynayeen uu Muran soo kala dhex galay.
 
 
Waxaa uu Markabkani Xiriir la sameeyey Safaarada India ee Magaalada Nairobi, iyada oo la sheegay inay u diy-aarisay Shaqaalahan markabka sidi ay dib-ugu laaban lahaayeen Wadamadda ay u kala Dhasheen Shaqaalaha Markabkani Saaran.
Ilaa iyo hada ma-jirto wax war ah oo ka soo baxay milkiilayaasha Markabka MV Jaikur –I oo ku aadan in shaqaalihii markabkaasi ay xoriyadoodii maanta heleen, mar-ka lag reebo warka safarada India ee Kenya ka soo baxay.
.
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com