shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxkamadd ku Taala Dalka Jarmalka oo Dambi ku heshay Askari American ah.

(Jarmalka.  April 16,  2009 Ceegaag Online)

Nin ka mid ah Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Dalka Ciraaq ayaa lagu helay danbi ah in uu Gacantiisa ku dilay afar Maxbuus oo Ciraaq ah, dilkaasna waxa uu gaystay 2007.
 
‘‘Waxaa la xukumi doonaa maanta galinka danbe, waxaana lagu wadaa in lagu Xukumi doono Xabsi Daa’in ah.’’ Sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah Masuulada ku sugan Maxakamada Milatari ee halkaasi ku taala.
 
Saraakiil Sideed ah oo maraykan ah iyo qeyb ka mid ah laanta NCOs ee Arimaha Daba galka Tacadiyada ayaa sheegay in ay ka gaareen Go’aanka ka dhanka ah sarkaalkan Sgt John Hatley oo sugan Maxakamada Ciidmada Maraykanka ee Saldhigeedu yahay Konfurta Dalka Germany.
 
Labo ayaa qirtay halka kuwa kalena lagu helay Dambiyo yar-yar Ninkan ay haatan Maxakamadu xukunkiisa la filayo in ay soo dada jiso iyadoo uu ku eedaysanyahay ninkani inuu rasaas ku furay dad ciraqi ah halka kuwa kalena uu gabood fallo dil ah u gaystay.
Hatley, ayaa isagu beeniyay eedaymahan kuna sheegay in uu kiiska laga hor aqriyay Xarunta Maxakamadaynta Ciidamada Maraykanka ee Rose Barracks oo ku taala Konfurta Dalka Germany mid aan sal iyo raadtoona lahayn.
 
Ciidamadii uu hogaaminayay sarkaalkani ayaa waxa uu saldhigoodu ahaa Xarunta Boostad ee Galbeedka Rashid, kaas oo ahayd 2007 meesha kaliya ee kaabiga ku haysa Magaalada Baghdad ee ugu weerarada badanayd xilagaas.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com