shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Maamul Goboleedka Puntland oo ku Guulaystay Heshiis La Dhexdhigo Laba Beelood oo dhawaantan ku Dagaalamay Deegaanka Igdhays Ee Gobolka Bari.

(Boosaaso.  April 12,  2009 Ceegaag Online)

Deegaanka Igdhays oo Kaabiga ku haya Degmadda Ufayn Ee Gobolka bari ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa ka aloosna Xiisado colaadeed oo u dhexeeyay laba beelood oo wada dega Gobolka Bari waxaana Dagaalkaasi Sababay Khasaare kala Gaaray labadasi Beelood iyadoo ay Dadna ku barakaceen dadna ku dhinteen Dabayaaqadii Bishii January ee sanadkan -2009.
 
Ciidanka Daraawiishta Dawladd Goboleedka Puntland ayaa kala dhexgalay dagaalka dhexmaray labada Beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamay Deegaanka Igdhays oo kaabiga ku haya degmadda Ufayn una dhexeeya Moqor iyo Ufayn oo dhamaantood ka tirsan dawladda goboleedka Puntland .
 
Guddi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Dawladda Puntland cabdilaahi siciid samatar ayaa u tafa xaytay dhexdhexaadinta Labadaasi Beelood ee Dhawaantan dirirtu dhexmartay waxaana Shirar la isugu Keenay Odayaasha Dhaqanka ee labadaasi beelood laguna heshiisiyay Deegaanka Laag waxaana labadaasi beelood ay isk Qabteen Dhismayaal iyo Barago laga dhisay Deegaanka Igdhays oo ka tirsan Gobolkaasi Bari.
 
Waxaa maanta Xarunta Gobolka Bari ee magaaladda Boosaaso Shir ku qabtay Wasiirka Amniga cabdulaahi siciid samatar iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf Faroole waxana ay ka warbixiyeen sida lagu soo afjaray Colaadaasi Khasaaraha Dhalisay"Saraakiil uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Cabdulaahi Siciid Samatar Ayaa maalinimaddi Shalay ahayd ka soo Noqday Safar ay ugu Ambabaxeen Deegaankaasi Igdhays uuna ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Bari Al-Xaaji Muuse Geele yuusuf waxaana ay soo Burburiyeen Baraago iyo Dhismayaal Ka dhisnaa Deegaanka Igdhays ee Gobolka Bari Taasi oo ay labadda Dhinac ku qanceen Iyadoo Hubka Laga Dhigay Maleeshiyadii Hubaysnaa Ee dagaalku Dhexmaray waxaana Guud ahaanba Meel maray Heshiisyadii ay Maamulka Puntland Dhexdhigayeen Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Deegaanka Labadda Beelood Dirirtu ku dhexmartay.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
Lacle1004@hotmail.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com