shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Casharo Cilmiyeed Laga Jeediyay Jaamacadda Nugaal University Ee Magaaladda Laascaanood.

(Laascaanood,  April 20,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa booqasho ku yimi Jaamacada Nugaaal University ee magaalada Laascaanood Markus Hohne oo ah nin Jarmal oo socdaalo horay ugu yimi magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.

Markus oo hadda wax ka barta Jaamacad ku taala Dalka Germany ayaa waxa uu si gaar ah u doortay Social anthropology (cilmiga Bulshada iyo dhaqamada) gaar ahaan isagoo si gaar ah usii doortay dhaqamada Soomaalida ayaa waxa uu invites ka helay jaamacada Nugaal University.

Intii uu joogay magaalada Laascaanood waxa uu la kulmay masuuliyiinta Jaamacada Nugaal University, macalimiinta Jaamacada, Ardayda iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada iyagoo dhamaanba dadkaasi ay ka wada hadleen sidii horumar looga samayn lahaa dhanka waxbarashada isagoo sidoo kalena Jaamacada ka jeediyay labo Lecturers oo ku kala ah Dhaqanka Soomaalida iyo waxyaabihii uu ka qoray iyo ka labaad oo ah iyo sida loo diyaariyo cilmi baadhista iyo sida loo soo bandhigo (research).

Faa’iidooyinkii Markus ee Jaamacada Nugaal University:-

inuu Jaamacada Nugaal University Partner la noqdo.

inuu shir jaamacadeed ka dhacaya Germany uu ka jeediyo war bixin ku saabsan Jaamacda.

sidoo kale waxuu Jaamacda Nugaal University gudoonsiiyay Buugaag,maqaaalo 100 buug kor u dhaafaya oo ka hadlaya Soomaalida iyo dhaqankeeda.

Kuliyadaha Jaaamacad Nugaal University:-

Faculty of social Science

Faculty of natural Science

Faculty of humanity

Foundation year

Kuwaas oo u sii kala baxa Faculties aan halkan lagu soo koobi karin

Hadaba Jaamacada Nugaal University ayaa waxaa ka qalin jabinaya July rufcadii u horaysay ee ardayda wax ka barata Jaamacada Nugaal University oo 23 arday iyadoo Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Nugaal C/naasir Maxamed Barre (abu shaybe) uu sidoo kale xusay in Jaamacadu ay xidhiidh is dhexgal la samaysay Jaamacdaha qaar sida GTEC hadana ay xidhiidh u socdo Jaamacada Camuud iyo East Africa.
 
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com