shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka Hadlay Dilkii Xildhibaan ka Tirsan Dawladda Soomaliya.
 

(Muqdisho.  April 16,  2009 Ceegaag Online)

Maxamed Xaad

Maxamed Xasan Xaad oo ka Mida Odayaasha Dhaqanka Ee Beelaha Hawiye isla markana ah Gudoomiyaha Golaha Midnimadda iyo Siyaasadda Beelaha hawiye oo ugu waramayay Saxaafadda Magaaladda Muqdisho Ee Caasimadda Dagaaladu Hareeyeen Ee soomaliya ayaa ka hadlay Dilka loo gaystay Xildhibaan C/laahi Cise Abtidoon oo horay uga tirsanaan jiray Odayasha Dhaqanka Beelah Hawiye.
 
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Belaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad ayaa si kulul u cambaareeyay islamarkaana wax laga xumaado ku tilmaamay falkii shalay galinkii dambe lagu dilay Alle ha u naxariistee Xildhibaan C/laahi Ciise Abtidoon oo kooxo hubaysan ay ku dileen hoygiisa oo ku yaala agagaarka Warshadda Baastada ee Magaalada Muqdisho.
 
Xaad waxaa uu tilmaamay in ay in badan wada shaqeynayeen islmarkaana u ahaa nin wanaagsan oo Ahlu diin ah falkii lagu dilayna uu qeyb ka yahay falalka lagu dilayo dadka bulshada waxtarka u ah.
 
Sidoo kale Max’ed Xasan Xaad gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye waxaa uu tilmamay in uu la shaqeynayay marxuumkani intuusan xildhibaanka noqon ka hor odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye,isagoona xusay in uu uga soo biiray dhanka Maxkamadaha islaamiga kadibna uu dib uga laabtay.
 
Isku soo wada duuboo Dhawaantan ayay ahayd markii Qaar ka tirsan odayaasha Dhaqanka Beelaha hawiye ay sheegeen in loo hanjabay isla markaana lagu soo Handaday Wacyiga Nabadda ee ay Bulshadda u wadaan iyagoo sidoo kale sheegay in Alle Dile Dhinto oo Qaar ka tirsan Dadka Qaswadayalka ah aanay Doonayn Nabad ka Dhalata Magaaladda Casimadda ah ee Muqdisho.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com