shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Maamul Goboleedka Puntland oo Ka hadlay Hawlgalkii lagu soo furtay Captain Richard-Philips.
 

(Boosaaso.  April 13,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac(Seefta banaanka oo waraysi siinayay Qaar ka tirsan wakaladdaha Wararka gaar ahaan Reuters ayaa ka hadlay Falkii uu dhiigu ku daatay Ee dawladda maraykanka ku soo furatay Captain Richard Philips"Hawlgalka Faransiiska & Maraykankuba tixgelin ayey leeyihiin, waxaana kula talinaynaa dhamaan wadamada kale inaysan bixin wax madax furosho ah ayuu yiri wasiirka Warfaafintu"
 
Warsame Cabdi shirwac Wasiirka warfaafinta Dawladd Goboleedka Puntland waxaa uu tibaaxay in ay u bogaadinayaan ka maamul ahaan in la laayo Burcadd badeeda isagoo intaasi ku daray in dawladd Goboleedka Puntland ay tixgalin siinayso la dagaalanka Kooxaha Burcadd Badeeda soomaalidda oo buu yiri sumcadd xumo usoo jiiday Soomaliya.
Warsame waxa uu intaasi u daray in Aan wax madaxfurasho ah la siin burcadd badeeda waxaana uu sheegay inay sii xoogaysanayaan haddi buu yiri la siiyo madax furasho.
 
Sidoo kale wararka soo Gaaraya saxaafadda ayaa tilamaamay in mid ka mida Kooxaha Burcadd badeeda soomalidda gaar ahaan hogaankooda waa sida uu hadalka udhigaye uu tibaaxay in Dawladdaha France iyo Maraykanku yihiin Cadawgooda koowaad hadda wixii ka dambeeyana ay bartilmaamedsanayaan Maraakibta labadaasi dal waxaana uu sheegay inay aad uga xunyihiin in laaayo Saaxiibadood oo buu yiri Halgan ku jiray waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Waxay ahayd laba maalin kahor markii kumaandooska sida raha u booda ee Faransiisku ay soo furteen doon kuwa lagu tamashleeyo ah hawlagaas ayaa waxaa ku dhintey mid kamid ah lahaystayaashii, iyo laba kamid ah Burcaddii qafaalka u haysatey, Maanta ayaa ciidamada Mariiniska Maraykanku xoog ku soo furteen Capt. Richard Phlipps oo muddo afar maalmood ah u qafaalnaa koox burcad badeed ah oo garaysa 4, sadex kamid ah ayey ku dileen hawlagalkaas halka ay kii kale nolol ku qabteen lahaystihiina isaga oo bedqaba soo qaadeen.
 
Si kastaba ha ahaatee Burcadd badeeda soomaalida oo u badan xeebaha waqooyi bari soomaaliya ayaa Sumcad xumo usoo jiiday Puntland iyagoo Caqabad ku noqday Ganacsigii Caalamiga ahaa ee ka soconayay Xeebta badweynta Hindiya.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com