shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Puntland Iyo Somaliland oo ka hadlay Maraakiibta Lagu haysto Deegaanka Gacan oo u dhaw Laasqoray.
 

(Soomaaliya.  April 14,  2009 Ceegaag Online)


Iyadoo ku dhawaad saddex markab oo labo Markab laga leeyahay Dalka Masar iyo Hal markab oo Talyaani ah lagu hayst Deegaanka Gacan oo kulaala Degmadda Laasqoray ee Gobolka sanaag ayaa Maamuladda Puntland iyo Somaliland ka hadleen Maraakiibtaasi lagu haysto Deegaanadasi.
 
 
Shir heersare ah oo maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda magaaladda boosaaso ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta u saraysa mamulka Puntland oo uu ka midyahay Madaxweyne cabdiraxmaan Faroole iyo Qaar badan oo ka tirsan golaha Wasaaradda Xukuumadda Faroole waxaana Goo'aan looga so saaray labadda markab ee laga leeyahay Dalkaasi Masar oo la sheegay inay Sidaaan Kaluun oo iyagoo kaluumaysanaya ay so qabsadeen Kooxo Deegaanka ah waa sida hadalka loo Dhigaye iyo Markabka Italian ka ah oo la sheegay inuu jiidayo Haamo isla markaana laga shakisanyahay inuu sido Qashinka Nuclearka iyo kan warshadaha.
 
 
Cabdulaahi Axmed Jaamac(Ilka jiir) oo Saxaafadda u waramayay ayaa sheegay"Waxaan u shegaynaa Besha caalamka inay soo diraan Khubaro nala baarta Waxyaalaha ay sidaan maraakiibtan ay kooxahan so qabsadeed waxaan leenahay in nagala qaybgalo sidi loo xaqiijinlahaa waxa saaraan maraakiibtan iyagoo sheegay in maraakiibta masar ay sharci daro ku kaluumaysanyen oo aanay ruqsad ka haysan Maamulka Puntland".
 
Odayaal Deegaanka laasqoray ka ambabaxay oo sheegay in dhalinyaro degaanka ah oo kaluumaysato ah ayaa sheegay in maraakiibtan ay haystaan dhalinanyaro kaluumaysato ah oo sheegay in maraakiibtan masaridda ah ay dhibaato ku hayeen kaluumaysatadda deeganka isla markaana ay jiriif yihiin maraakiibtaasi lagu haysto deegaanka Gacan oo laasqoray Kulaala.
 
Sidoo kale Maamulka somaliland ayaa sheegay inay Goobta lagu haysto Maraakiibtan aanay khusayn maamulka somaliland balse ay odayaasha Deegaanka ugu baaqayaan inay ka Hortagaan Dhibaatadda burcadd badeeda isagoo carabka ku dhuftay in Dad ay jaar yihiin soo abaabuleen Falal la doonayo in arrimo burcadd badeednimo loo adeegsado oo ka dhici lahaa somaliland.
 
Isku soo wadda duubo waxaa laga dhursugayaa Talaabooyinka laga Qaado maraakiibta muranku ka taaganayahay ee ku sugan deegaanka Gacan ee laasqoray Puntland iyadoo Dawladda masaaridda oo iska leh labadda markab ee lagu eedayay Jiriifka ay sheegtay in safiirka soomaliya ee masar Siciid qirdi inuu xaqiijiyay Afduubka maraakiibtan iyadoo sidoo kale wararka qaar sheegayaan in markabka Sida haamaha ee Italianka ah uu sido Sun la doonayay in lagu aaso Xeebaha soomaaliya.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com