shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo Lagu Soo Wareejiyay Maydka Burcadd Badeed Somalia ah oo ay Laayeen Ciidamadda Maraykanka.

(Boosaaso.  April 30,  2009 Ceegaag Online

Waxaa Dhawaantan Hawlgal ay Ciidamadda Maraykanka ku soo Furteen Captain Richard Philips ay ku dileen saddex nin oo burcadd badeed ah iyadoo Ragan ay Saarneeyeen Maydkoodu Markabka Dagaalka ee USS Bridge muddo Gaaraysa laba Asbuuc.
 
Ragan Maydkooda Ayaa Manta laga soo Dajiyay Dekedda Magaaladda Bosaso waxaana la wareegay Maamul Goboleedka Puntland iyadoo ay Dekedda Goob joog ku ahayeen Talyaha Dekedda Maxamed Yare iyo Ciidamadda Puntland.
 
Maydkan Saddexda ah ee laga soo Dajiyay Magaaladda Bosaso kaas oo lagu so wareejiyay Puntland ayaa waxaa ay ku jireen Sanduuqyo Cadcad iyadoo lagu Keenay Saxiimaddo kaas oo lagaga so Qaaday Markabka Ciidamadda Maraykanka oo Taagna Meel aan sas uga Fogayn Dekedda Bosaso.
 
Max’ed Yare oo ah taliyaha booliiska dekadda magaalada Boosaaso ayaa markii meydadka la keenay kadib waxaa uu ka waramayay qaabkii loogu soo wareejiyay burcad badeeda,waxaana uu sheegay in maanta ciidamada Booliska Puntland loosoo gacan galiyay meydadka burcad badeeda.
 
Sedaxda maydadka burcad badeeda ayaa waxaa ay ku jiraan sanaadiiq cad cad oo ay ku soo rideen ciidamada Maraykanku sida ku cad documenttiyo laga helay sanaadiiqda oo la furay markii dekadda la keenay kadib,waxaa magacyada meydadka maanta la keenay ay kala yihiin Cilmi Aadan oo 35-jir ah,Dalabey Nuur oo 31-jir ah Qawo Mowliid oo da’diisu tahay 28-sano jir.
 
 
Macadda ilaa iyo hadda cida magacayada ragaani u sheegay ciidamada Maraykanka hase ahaatee waxaa la rumaysanyahay in xogtaasi laga helay C/wali Muuse oo Maraykanku nolol ay ku qabteen kaasi oo haatan lagu maxkamadeynayo gudaha dalka Maraykanka.
 
Kooxahaani burcada ah ayaa waxaa la dilay xili ay gacanta ku heysteen Kabtanka Markab ay Afduubeen oo la yiraahdo Philips kaasoo markabkii uu saarnaa ay kala dageen islamarkaana madax furasho dalbanayeen.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com