shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax Gilgilay Magaaladda Gaalkacyo.
 

(Gaalkacayo.  April 29,  2009 Ceegaag Online

Waxaa Maanta abaarihi 12:30 Duhunimo ka qarxay Magaaladda Gaalkacyo Qarax aad u wayn kaas oo ka dhacay Meel ka Horaysa Hotel Classic ahna Gadaasha Radio Gaalkayo waxaana uu ahaa qarax wadada Dhineceda La Dhigay kaas oo lala Eegtay Gaari uu watay Talyaha Ciidanka Sirdoonka Puntland ee Gobolka Mudug(Puntland Itellegence Service).
Gaariga ayaa waxaa uu taagna Meel aad uga Fog hotel alla-Magan waxaana Miinaddasi la shegay in wadada Dhinecedda la dhigey ahayd Nooca Remoteka lagu hago waxaana Gaariga uu ahaa Nooca Dagaalka iyadoo uu Qaraxu dil u gaystay Talyihii Ciidanka Yaasiin Sanweyne.
 
 
Qaraxana yaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Haween iyo Dad kale oo la sheegay inay ku dhaawacmeen Qaraxan oo Rayid ahaa.
 
Ciidamada booliiska magaaladaasi ayaa qaraxa kadib bilaabay baaritaano kuwaasi oo gacanta ku soo dhigay 5-ruux oo halka qaraxa uu ka dhacay ka agdhowaa kuwaasi oo ay sheegeen in ay baaritaano ku sameeynayaan.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee qarax sidan oo kale ah lala eegto ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIS-ta .
 
 
Marka la eego Ciidanka Sirdoonka Puntland ayaa ah Ciidamo ay Bartilmaameedsadan Dadka sida wayn ugu agdhaw diinta Islaamka waxana ay Tiro ka dhawr jeer ciidamadan ay Xarig u gaysteen Sheikh yo Caanka ah Puntland taaso oo dhalisay Kacdoon Shacab waxaana Qaraxyo iyo Rasas lala Dhacaa Gawaaridooda iyo Xarumaha ay ka deganyihiin Puntland.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com