shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Rabshad dhalisay Iska Hor imaad oo ka Dhacday Raasiga Degmadda Xaafuun.

(Xaafuun.  April 11,  2009 Ceegaag Online)

Wararka Naga soo Gaaraya Degmadda xaafuun ee Gobolka karkaar Dawladd Goboleddka Puntland ayaa sheegaya in Dagaal Laysu adeegsaday Hubka Noocyadiisa Kala duwan uu ka dhacay Raasiga Xeebta Kulaala Ee Degmadda Xaafuun waxaana ay Rabshadani TImi ka gadaal markii Dooni Nooca dalxiiska ah oo lagu magacaabo Tenit .
 
Hase yeeshee intuu hawlgalka ka socday waxaa sidoo kale dhintay Florent Lemacon oo ahaa ninkii doonida lahaa oo ay xabadaha la is dhaafsaday haleeleen.
 
Kadib markii ciidamadda kumandooska ee dalka france ay weerar xoogan kusoo qaadeen markab laga lahaa dalka farance oo lagu haystay xeebaha somalia ayaa halkaa waxaa labadan dhinac kudex maray iska hor-imaad halkaa oo ay kugeeriyoodeen labo kamid ah kooxaha burcadda iyo muwaadin udhashay france.
 
Waxaanna sidoo kale rasaasta kadib usuuro gashay in ay gudaha ugalaan markabkaasi Ciidamadda Frace ayadoona durbadiiba gacanta ku dhigay saddex kaloo kamid ahayd kooxihii haystay markabkaasi .
 
Afahayeen uhadlay Madaxweynaha Francer ayaa tilmaamay in ay tahay arintani mid ay inta badan uga dalbadeen kooxdan in ay qaataan lacago madax furaso ah balse ay diideen .
 
Waxaanna sidookale ka hadlay Wasiirka Difaaca france Bernand Coshiner asigoonna tilmaamay in iyagu burcaddaan ay madax adayg sameeyeen dowladda france-na ay u ogoleed in ay dhiibto lacag madax furasho ah .
 
Waxaanna Wasiirku uu xaqiijiyay in ay gacanta kudhig een afar ruux oo bedqaba oo uu kujiro canug yar balse macarabaabin qofka geeriyooday waxa uu yahay .
 
Balse shalay gelinkii danbe ayey ahayd markii ay bilaabeen ciidamadda france howlgallo lagula dagaalamaayo kooxaha burcad badeeda Aydoonna markabkan u ambabaxay magaaladda jabuuti oo ah xarunta dalka jabuuti.
 
Dhinaca kalena kooxaha burcad badeeda somalida ayaa siidaayay markab lagaleeyahay dalka Norway kaa oo todobaadkii lasoo dhaafay ay qafaasheen kooxo burcad badeed ah sida ay xaqiijisay shirkadda uu u shaqeeynaayay markabkaasi .
 
Waxaanna markabkan la siidaayay saarnaa 27 shaqaalle oo an weli lasoo sheegin wadamadda ay udhasheen aydoonna latilmaamay in lasiiyay kooxihii qafaalatay lacag madax furasho ah
Waxaanna markabkan uu u ambabaxay Dekedda Mombassa si loo ogaado xaaladda caafimaad ee shaqaalahaasi.
 
dhanka kalena dowladda maraykanka ayaa soo kordhinaysa maraakiibta dagaal oo ay usoo dirayso xeebaha somalia taa oo lagu doonayo in lau badbaadiyo kabtnkii isagu dhawaan lagu qabsaday xeebaha dalka.
 
Waxanna laxaqiijiyay dhowr markab oo dagaal in ay kusoo wajahayihiin xeebaha Badweynta India aydoonna ladoonayo in wada xaajood lalagalo kooxdan iyadu haysta ninkan kabtanka ah.
 
Kabtan ayaa isagu latilmaamay in uu horay isugu dayay in uu kabaxsado kooxdan kadibna markii uu iska tuuray doonidii ay saarnaayeen Burcad badeeda ayadoona kooxdani ayan ka daba harin islamarkaana ay kadaba quuseen markalena u suuro gashay in laqabto Captanka.
 
Isku Soo wadda Duuboo Kooxaha Burcadd Badeeda Soomaalida ayaa Maalmihii la Soo dhaafay laba jibaaray Hawlahooda Afduubka Maraakiibta.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
Lacle1004@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com