shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Roobkii Guga oo ka curtay Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda

(Ceegaag.  April 05,  2009 Ceegaag Online) 

Roob lagu qabawsaday oo biyo galiyay qaar ka mid ah baraagaha Ceegaag iyo balliga wayn ayaa  xalay ka da’ay degmada Ceegaag ee gobolka Togdheer.

Mar shabakadda Ceegaag Online isku dayday in ay wax ka ogaato tayada roobkaasi ku da’ay degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda ayaa naloo xaqiijiyay in roobkaasi ahaa hogol ka dulcuratay deegaankaa isla markaana si wayn dadka iyo xooluhuba ugu diirsadeen. Degmada Yeyle oo qiyaasta illaa 17KM xagga bariga kaga began Ceegaag ayaa hogoshani si teelteel ah ku gaadhay, balse aan wax biyo dhig ah samayn. Guud ahaan deegaanka ku xeeran degmada Ceegaag ayaa waxaa dulheehaabaya raxmaadkii guga oo si wayn dadwaynaha degaankaasi u dhawrayaan iyadoo ay jirtay biyo la’aan horay uga jirtay degaannada hoos yimaadda  degmada Ceegaag.

Wixii ka soo kordha raxmaadkaas kala soco Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com