shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Saraakiisha Caafimaadka Wasaaradda Caafimaadka oo la Tacaalaya Dadkii uu saameyay Cudurka shuban Biyoodka oo ka dilaacay Degmadda Xaafuun.
 

(Xaafuun.  April 10,  2009 Ceegaag Online)

Degmadd Xaafuun oo ka tirsan Gobolka karkaar isla markaana ka mida Degmooyinka Kulaala Xeebta Badweynta Hindiya Ayaa waxaa dhawaantan ka Dilaacay Cudurka Shuban biyoodka waxaana u geeriyooday 4-Qof oo saddex caruur tahay hal qofna Nin wayn yahay sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka karkaar Yaasiin siciid xuseen.
Maamulka Gobolka karkaar ayaa Tibaaxay in ay markii cudurkan loo soo sheegay ka maamul ahaan ay u direen Degmadda xaafuun Saraakiil caafimaad oo u horkacayo Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka karkaar Yaasiin cabdi Xaaji iyadoo ay Gacan ka Gaysanaysay Hayadda Save The Children .
 
Gudoomiye Ku xigeenka Degmadda Xaafuun Yuusuf Cabdilaahi Sanyare ayaa sheegay in Cusbitaalka Degmadda Xaafuun uu la xiranyahay Daawo la'aan iyo Shaqaale la,aan waxaana uu sheegay in markii hore ay Dadka u qaadeen Cusbitaalka Magaaladda Boosaaso iyadoo cudurkan Noqday Mid Amergency Case ah kaas oo ah Mid ku keenay Deegaanka Halis caafiimaad iyado loo aanaynayo Dilaacista Cudurkan Ceel ay Dadku biyaha ka cabaan kaaso aan Daboolnayn oo Wasakhda Saxaradda iyo Dabayshu galaan oo ay dadka Degmadda Xaafuun Biyaha ka dhaansadaan.
 
Gudomiyaha Gobolka karkaar ayaase sheegay in ay si dhaqso ah u Dabooli doonaan Ceelkaasi ku yaal Degmadda Xaafuun isla markaana intii Kalaankooda ah ay wax ka Qabteen La Tacaalidda Cudurkan Shubanka ah oo ka Dilaacay Degmadda xaafuun ,Dilaacidda Cudurkan ayaa ku soo aadaysa xili Deegaano Farabadan oo ku yaal Dhulka Soomaalidda ay ka jirto Abaar iyo Cudurkan oo ka jira Qaybo badan oo ka mida Koonfurta Soomaaliya.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com