shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Inta Baddan Dalka Soomaliya oo laga Taageeray Ansixintii Baarlamaanka Soomaliya ee Shareecadda Islaanka.

(Soomaaliya,  April 19,  2009 Ceegaag Online) 

Iyadoo Maalintii Shalay ahayd ay Baarlamaanka soomaaliya ansixiyeen ku dhaqanka shareecadda islaanka ee dalka soomaliya ayaa waxaa si aada usoo dhaweyay Dhamaan shacabka soomaliyed iyadoo shirar iyo Dibadbaxyo lagu taageerayo Ku dhaqanka Shareecadda Islaanka ay ka dhaceen Inta Badan Dalka Soomaliya.

Dibadbaxyo lagu taageerayo go’aankii baarlmaanka ee ku dhaqanka Shareecada islaamka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho waxaana ka qaybgalay Isku soo baxani boqolaal dadweyna ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshadan,wasiiro,xildhibaano iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo iyagu soo agaasimay banaanbanxani.

Shiikh C/raxmaan Janaqoow oo ah Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dowlada kmg ayaa sheegay in cidii ka soo hor jeesata go’aankii shalay ay mudanayaasha Baarlamaanka ku gaareen in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka ay tahay in la iska qabto.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada kmg Shiikh C/qaadi Cali Cumar oo isna la hadlayay dadkii isku soo baxay maanta ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka,odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan oo ay ku dhiiragaliyaan bulshada qaadashada ku dhaqanka shareecada islaamka.

Sidoo kale Qaar ka tirsan Odayaal Dhaqameedyadda Dalka soomaliya oo warsaxafadeedyo soo saaray ayaa Gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo maanta warbaahinta u aqrinayay warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan go’aanka ay mudanayasha Baarlamaanka ku gaareen in dalka lagu dhaqo diinta islaamka.

Afhayeenka Golaha Beelaha Soomaaliyeed Siciid Aadan Mire oo maanta isna saxaafada u aqrinayay warsaxaafadeed ay ku mideysnaayeen beelaha Jareerweyne,Dir,Daarood,Banadir iyo Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii mudanayaasha baarlamaanka ay ku gaareen ku dhaqanka shareecada islaamka.
 
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com