shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somalia oo Ka Hadlay Ka Bixitaanka Ciidamadda Amison ee Dalka Somalia iyo Maraakiibta Shisheeye ee ku Sugan Xeebaha Somalia.
 

(Khartuum, Suudaan.  April 28,  2009 Ceegaag Online

Sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hogaaminaayay oo haatan ku sugan Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM aysan ka baxayn dalka Soomaaliya ilaa laga dhamaystirayo arrimaha Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Waraysi uu Madaxweyne Shariif siiyay TV-ga Niil ee dalka Masar ayaa waxa uu cadeeyay inaysan Suurtagal ahayn xiligaan in ay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM, wuxuuna shuruud ku xiray bixitaankooda, wuxuuna sheegay in iyadoo la dhamaystirin Dib u heshiisiinta aysan suurtagal ahayn inay baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.
"Hadii ay Ciidamada AMISOM ka baxaan dalka, iyadoon dib u heshiisiinta dalka wax laga qaban, waxay taasi la mid tahay in dib loogu laabto Fowdadii ka taagnayd Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in dowladda Eritrea iyo Itoobiya uu kala hadlay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen Nabadda Soomaaliyeed, islamarkaana faragelin aysan ku samaynin arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.
 
Sidoo kale madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Beesha caalamka looga baahan yahay si loo xaliyo Mushkalida Soomaaliya inay gacan siiyaan Dowladda Soomaaliya, si buu yiri ay cagaheeda isugu taagto, wuxuuna u soojeediyay Beesha Caalamka inay ku dadaalaan sidii Ciidamadii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.
 
 
"Maraakiibta Shisheeye ee soo galaaya xeebaha Soomaaliya, ma soo kordhinaayaan wax aan dhib ahayn, waxaana taasi ka wanaagsan in Soomaaliya laga taageero dhismaha Ciidamadeeda" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo haatan jooga Dalka Suudaan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya hadii ay hesho wax ka taakuleeya dhismaha ciidamadeeda ay meesha ka baxayaan kooxaha Burcad badeeda ah, islamarkaana waxa uu sheegay inaan loo baahnayn Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Badda Soomaaliya.
 
 
Isku soo wadda duubo Marka la eego Xaaladda siyaasadeed ee somalia ayaa kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Somalia waxay ku andacoonayaan in Ciidamadda Amison laga saaro Dalka somalia.
 
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com