shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheikh Xasan Daahir Aways Oo Dib ugu Noqday Dalka Ereteria.

(Asmara, Ereteriya,  April 19,  2009 Ceegaag Online) 

Magaalada Casmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa dib ugu laabtey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya, kaasi oo dhawaanahan ku sugnaa wadanka Suudaan magaaladiisa caasimada u ah ee Khartuum.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir intii uu ku sugnaa wadanka Suudaan wuxuu kulamo la qaatey xubno wasiiro ah oo ka tirsan dawlada KMG ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirka Cadaalada Sheekh C/raxmaan Janaqow, iyagoo ka wadahadley arimo kala duwan oo la xiriira dadaalada dalka Soomaalida nabad loogu soo dabaalayo.

Dib u laabashada Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku tagey magaalada Casmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa ka soo baxaya warar iskhilaafsan waxaana jira warar sheegaya in uu ku yimid wadahadal dhexmarey dawladaha Suudaan iyo Eritrea, inkastoo ay jiraan warar aan si buuxda loo hubin oo sheegaya in Eritrea ay cadaadis ku saartey dawlada Suudaan inay dib ugu soo celiso dalkeeda Sheekh Xasan Daahir.

Eritrea oo ka mid ah wadamada ku lugta leh xiisadaha colaadeed ee ka aloosan dalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyaa inay si weyn u taageerto xoogaga Islaamiyinta ee ka biyo diidsan siyaasada Mareykanka iyo Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya, waxaana Eritrea ay si weyn ugu taageertey Islaamiyiinta dagaalkoodii ay la galeen ciidamadii Itoobiya xiligii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Eritrea oo go’doon dhanka siyaasada ah ku jirta ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku gorgortamayso Sheekh Xasan Daahir, maadaama xiligan uu ahmiyad u leeyahay dadaalada nabada Soomaaliya iyadoo ay jirto in maraykan uu si wayn u raadinayo sheikh hassan Daahir Aways oo uu ku jiro Liiska Argagixisada Maraykan iyagoo Maraykanku ku Andacoodo inuu ka so horjeedo Danaha Maraykanka ee Gobolka Geeska Africa.

 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com