shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Socdaalkii Loogu magac daray Xoojinta Nabadda oo Lagu soo afmeeray Gobolka karkaar

(Karkaar.  April 10,  2009 Ceegaag Online)

Yaasiin Siciid


Maamulka Gobolka Karkaar ee Dawladd Goboleedka Puntland ayaa Maalinimaddii shalay ahayd ku soo Afmeeray magaaladda Qardho ee xarunta Dawladd Goboleedka Puntland Barnaamij loogu magac daray  "Xoojinta Nabadgalyadda" waxaana horboodayay Saraakiisha Maamulka Gobolka karkaar oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gobolka karkaar Yaasiin Siciid Xuseen waxaana ay Socdaal ahaan ugu kala bixinayeen Degmooyinka Hoos yimaadda Gobolka karkaar oo ay ka mid yihiin Bayla, Xaafuun, Waaciye, Rako iyo Tuulooyin ku yaala Deegaanadda hoos yimaadda Gobolka karkaar.


Barnaamijkan ayaa waxaa Maalgalinaysay Haya'adda DRC waxaan ka qaybgalayay Odayaasha, Salaadiinta, Cuqaasha, Nabadoonadda iyo Aqoonyahanadda,Culuma'udiinka,Haweenka waxaana laga fuliyay dhamaan degmooyinka Hoos yimaadda gobolka karkaar waxaana barnaamijka Qayb ka ahaa Mas'uuliyiinta Ka arrimiya Deegaanadda barnaamijkan laga fuliyanayay iyadoo ay ahayd wacyigalin la siinayo Dadka Deegaanka.
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar yaasiin siciid Xuseen ayaa Tilmamaay in Barnaamijkan ay ugu Talo galeen Is dhexgalka Bulshadda Qaybaheeda kala duwan iyo isku xirka Maamuladda Degmooyinka iyo shacabka Deegaanaddasi waxana uu tilmaamay in masuuliyiiinta Dawladd Goboleedka Puntland ay Marar badan garab martay inay barnaamijkan fuliyan Balse ay hadda ugu baaqayaan Dhamaan Gudoomiyayaasha Goboladda Puntland inay Fuliyaan Barnaamijyo La mida kan ay maanta fuliyeen.


Barnaamijkan ayaa maanta waxaa lagu soo afmeeray Xarunta Gobolka ee magaaladda Qardho waxaana goob joog ka ahaa Dhamaan dadkii ka qaybgalay Barnaamijkan oo ay ka mid yihiin Cuqaasha iyo cidii kale ee ka qayb ahayd Barnaamijkan waana Barnaamijkii Ugu Horeeyay oo noocaani oo kale ah oo laga fuliyo Deegaano ka Tirsan Maamul Goboledka Puntland.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir
Qardho-Karkaar
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com