shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhacdadii khiyaanada ahayd ee NFD oo mar labaad dib u soo noqotay 2009!!

(Soomaalida Kenya.  April 17,  2009 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha.

Intaas ka dib:

Waxay Soomaalidu tidhaahdaa war la qabaa xiiso ma leh, dabcan qof walba oo aqristiyaasha ka mid ahi, wuu garanayaa waxan aan kaga hadli doono qoraalkaygan kooban, oo runtii ay iiga horeeyeen wax ka qoristiisa walaalo badan, oo ku soo qoray, oo kaga hadlaayay maalmahan ina dhaafay oo dhan warbaahinta Soomaaliyeed ee kala gedisan. Waana warka sida kedisada ah ay ayaamahan dadka qaarkiisii ugu baraarugeen iyada oo ay ka hadlayso warbaahintu, oo ah in ay dowlad ku sheegan ay beesha caalamku dusha kaga keentay ummada Soomaaliyeed ee lagu soo dhoodhoobay shirqoolkii waynaa ee Jabuuti ka dhacay dhowaan,

Inay qayb wayn oo badeenii ka mid ah ay uga tanaasushay dowlada Kenya!!! Tan waxay ina xusuusinaysaa dhacdadii khiyaanada ahayd ee NFD lixdanaadkii, markii ay dowladii waqtigaa dalka ka talinaysay khiyaanaysay oo niyad jebisay ummadii Soomaaliyeed, gaar ahaana xoogagii kacdoonka NFD, oo markaas gacanta kuwada hayay dhamaan dalkoodii, markii ay heshiis la gashay dowlada Kenya oo uga tanaasushay NFD, dhacdadanuna waa uun isla tii oo dib u soo noqotay 2009, iyada oo ay dowlad ku sheega maanta dusha laynagaga keenay si loogu fushado dana badan oo laga leeyahay wadankeena wanaagsan, ay uga tanaasushay qayb wayn oo badeena

Ka mid ah dowlada Kenya. Dhacdadanu waa isla tii NFD, goobtuna waa isla agagaarkii, dowladu waa isla dowladii, dalaaliintu waa isla kuwii hore, dadka la dhaxal wareejinayaana waa isla dadkii Soomaaliyeed, wuxuu se yahay kala duwanaanshaha keli ahi ee u dhexeeya labada dhacado, waa iyada oo ummada Soomaaliyeed maalintaas dhacdadii NFD ay qalbiyadoodu meel u wada jeedeen, walaaltinimada iyo isjacaylka iyo kal gacalka dhexdooda ahina uu ahaa mid aad iyo aad u saraya, dareenkood diimeed iyo qiiradooda wadananimona uu isna ahaa mid aad iyo aad u sareeya, xoogagii kacdoonka ee madaxbanaanida u diriraayay oo uu ahaa dareenkooda macnawi

 Ahaaneed isna mid aad iyo aad u sareeya, iyagoo ku fadhiyay guul wayn oo waxku ool ahayd oo ay ka soo hooyeen halgankoodii. Iyada oo uu guud ahaan ahaa xaalka ummada Soomaaliyeed maalintaas mid sidaas u wanaagsanaa, ayaa ah wax laga xumaado in ay kala kulmeen maalintaas madaxdoodii khiyaano iyo niyad jebin. Maanta se waxay dhacdadanu dib u soo noqotay iyada oo xaalka ummada Soomaaliyeed uu yahay mid aad iyo aad u liita, gaadhayna dulinimo heerkii ugu hooseeyay oo ay ummadi weligeedba gaadho, iyada oo ay dadkii walaalaha ahaa ay kala irdhoobeen qabyaalad iyo jahli daraadood, oo lagu kala tegay walaaltinimadii iyo

Rixinkii iyo wanaagiiba, oo lagu kala tegay Soomaalinimadii, oo qofka Soomaaliga ahi u soo uraayo walaalkiisa Soomaaliyeed, uuna jeclaysto haduu maqlo amaba arko in laba waayo, haday u suura gashona aanuba ka warwareegayn in uu khaarajiyo, waa waqti ay Soomaaliyi burbursay dhamaan waxay soo dhisayeen afartanka sano, iyadoo ummadii wadankan lahayd ay in badani uga hijroodeen wadamada reer galbeedka, oo ay u raadsadeen nabad iyo nolol wanaagsan, in badanina ay qaxooti ku yihiin wadamada deriska ah, in kaloo badanina ay ku barakaceen wadanka gudihiisa, oo ay ku hayso nabad gelya daro, gaajo, xanuuno iyo darxumo oo dhami

Waa kaa faraqa labada dhacdo u dhexeeyaa, hadaba waxaa dhacday in dhacdadan dambe ay kediso iyo lama filan waa ku noqotay ummada Soomaaliyeed intooda badan qaybahooda kala duwan, dabcan aniga iyo qaar kaloo badan se naguma ahayn kediso iyo lama filan waa toona dhacdadan dambe, bal waxa weeye waxaanu filaynay horena uga dignay, oo aan in badan kaga hadlay qoraaladaydii u dambeeyay, waxa looga gol lahaa shirqoolkii Jabuuti ee lagu soo dhoobdhoobay dowlad ku sheegan, in badan ayaan aqristaasha ku baraarujiyay khatarta inagaga soo fool leh dowlad ku sheegan iyo shirqoolka kuwa la magic baxay beesha  caalamku ay la damacsan yihiin dalkan iyo

Ummadatanba, wixii ka soo baxay shirqoolkaa oo ahayd dowlad ku sheegan dusha laynagaga keenay, ee aynaan dhismeheeda haba yaraatee waxba laynaga waydiin, ayaan ummada tooj ugu ifiyay wax yaabaha isla markiiba afkooda ka soo baxay oo cadaynaayay waxa loo soo igmaday iyaga, waxa ka mid ahaa hadalkii ku jiray khudbadii ugu horaysay ee shariifka, wuxuuna ahaa sidatan: “ waxaanu kula noolaanaynaa wadamada deriska ah, deris wanaag iyo is qaderin, wax walba oo khilaaf ah oo na dhex yaalana waan ka heshiinaynaa”, maalintaa qoraalkayga waxan isku waydiiyay, dowladahan khilaafka keli ah ee ina dhex yaalaa wuxuu ku saabsan yahay dal iyo

Dad, khilaafyada caynkaas ahina ma aha kuwaa sidaas fudud ee uu Shariifku hadalka u dhigay looga heshiin karo, manaba filaayo in ay dowladahaasu u soo gogol fadhiisanayaan khilaafka inaga dhexeeya ee, gaar ahaan maanta oo cid waliba xaalkeena ogtahay, markaa Shariifka iyo dowladiisu ma waxa ay ku talaabsan doonaan waxa aanay ku talaabsan dowladihii ka horeeyay iyaga!!! Waayo hadalkiisu waa hadal rasmi ah oo aad looga soo shaqayay ee maaha hadal qof iska yidhi, sidaas darteed markaan maanta maqlay waxay dowladiisu uga tanaasushay Kenya qayb aad u wayn oo badeenii ka mid ah, iguma ay noqon kediso iyo lama filan waa toona,

 Bal waa wax aan malaynaayay oo aan hore uga sii digay, welibana waxaan leeyahay waxa qarsoon oo aynaan ogayn baa badan, waayo kanuba wuxuu ahaa heshiis qarsoodi ah oo aan laynoogu tala gelin in aynu wax ka ogaano, runtii lamana ogaadeen hadii aanay daba gelin oo kashifin dhalinta wadaniyiinta ah ee shabakada Somalitalka.com Allaah tacaalaa ha ka abaal mariyee iyaga iyo dhamaan intii kala qayb gashay baahinta iyo fidinta dhacdadan khiyaanada qaran ah, waa dhab waxa qarsoon ee aynaan ogayn baa badan, kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo maamulada ka taliya wadamada deriska ahi markay dusha kaga keenayeen

Ummadatan Soomaaliyeed dowlad iyo baarlamaan ay iyagu xubnahooda soo xusheen, ma ay ahayn sida mid walba oo inaga mid ahi uu u og yahay, inay maslaxad iyo wanaag u wadeen ama la doonaayeen ummada Soomaaliyeed, mana ahayn in ay xubnahan ay dusha inagaga keeneen ay yihiin qaaraabo iyo ahal, ee bal waa xubno ay ka dhex arkeen ayna isku afgarteen in ay u fuliyaan danaha guracan ee dulmiga ah ee ay ka leeyihiin wadankan Soomaaliyeed, wax walba oo u suura gelin kara in ay xaqduudsiyaan shacabkana waa loo fududeeyay oo loo samayay, sida kordhintii baarlamaanka ee loogu daray 275ka xubnood ee iyaga u gaarka ah ee u dhaarsan,

 Si ay wax kasta oo ay ku kacaanba ay ugu taageeraan codkooda, sida haday maanta dhacdo in la horkeeno baarlamaanka heshiiskan khiyaanada qaran ah, sida ay hadaba dalbadeen xubno aad uga xumaaday sida ay wax u dhaceen, way iska cadahay in uu baarlamaanku meel marinaayo waayo dee iyagii baa aqlabiyada ah oo waxaa isaga diyaarsan ugu yaraan 275 maanlaawe oo dhaarsan, inta ka dhimana way iibsanayaan codadkooda oo ka dhex waayi maayaan baarlamaanka kuwa qoodh iyo xera laawayaal ah oo lacag uuni u daran tahay, markaa Soomaaliyay miyaanan ku sax sanayn markaan qoraaladaydii hore ku lahaa waa in ay beel waliba kalsoonida kala noqotaa xubnaha kaga jira

 Baarlamaanka? Miyaanay se runtay ahayn markaan isla qoraalkaa ku lahaa, hadaan maanta kalsoonida lagala noqon, beri waxay dusha inagaga keenayaan musiibo aynaan ka soo waaqsan doonin? Khiyaanadan qaran ee maanta ina hortaalaa se miyaanay ahayn musiibo lagama soo waaqsadaan ah? Weliba waxa qarsoon ama soo socda baa daran, waxaa hore loo yidhi lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa, wuxuu yidhi ninkii wasiir ku sheega ahaa ee khiyaanadan qaran saxeexay, waxay noo sheegeen dowlada Kenya markaanu heshiiska kala saxeexanay, inay heshiiskaas oo kalena ay la soo saxeexanayaan dowlada Tansania!!! Wasiir ku sheegow ma

 Joogaan Tansania kuwa adoo kale ah, oo dhaafsanaaya ciidooda iyo badahooda habeen la seexdo hotel raaxo leh, oo ku yaala Nairobi iyo xoogaa mushahar ah oo ay beesha caalamku uga soo qaadhaanto aduun waynaha, oo magac wasiirnimo lagu siiyo, oo sicirkaa raqiiska ah ku khiyaanaya qarankiisa!!! Tansania dowlad baa ka jirta aan ogolaanayn in shibir ka mid ah dhulkeeda iyo badaheeda la soo damaaciyo oo la soo hawaysto, laakiin aan idhaahdo runtii waynu mudanahay in sidaas lay noola dhaqmo, waayo intaynu dawladeenii iyo qaranimadeenii duminay, oo aynu cadaw oo dhan isu kadnay, oo aynu wadankeenii burburinay, shacabkeenii iska horkeenay oo

 Cadaw isaga dhignay, oo aan colaad iyo darxumo oo dhan dhaxalsiinay, cadawgeeniina aan kala hororsanay oo qoloba mar u dustay, si uu ugaga hiiliyo qolada kale ee ay iska soo horjeedaan, oo aynu dhisan kari waynay dowlad mudo labaatan sanadood ah, cadawguna qoladeenba meel ku xidhay kana dhaadhiciyay mid walba inay yihiin kuwa ay taageerayaan, si shirqoolkooda wayn ee ay ka leeyihiin wadankeenu ugu hirgalo, oo ay u gurtaan khayraadkeena, oo aynaan mar dambe cagaheena isku taagin, oo isu ceshan dowladnimadeenii iyo qaranimadeenii, ugu dambaynta ay wax walba si fudud inoogala wareegaan, ugu dambayna waxa is tustay in haatan la gaadhay

 Waqtigii dhulkaba ay inagala wareegi lahaayeen, iyaga oo ku andacoonaaya in aynaan basharba ahayn, ee aynu nahay wuxuush aan mudnayn in ay lahaadaan dal iyo dowlad toona, si ay taas u meel mariyaan ayay waxay inoo soo dhoodhoobeen waxay dowlad ku magcaabeen, oo ay doonayaan in ay danahooda guracan ee dulmiga ah iyo shirqooladooda ay inala maagan yihiin ku fushadaan, iyadoo laynoo diiday in aynu ku yeelano soo dhisideeda wax talo ah haba yaraatee, ayaa hadana in badan oo inka mid ahi sidaas ku aqbaleen oo ku soo dhowayeen, xoogagii kacdoonka ee halganka soo galayna dhabarka loo soo jeediyay, oo la yidhi kuwa dhibtaba wadaa waa iyaga.

Miyaynaan markaas mudnayn in ay ina dhaxal wareejiyaan, oo aynaan kasban taas?!!! Hase yeeshee arimuhu sidaas uma wada ah mugdi, runtii waxaa ii muuqatay xoogaa ifafaale rajo ah, oo muujinaya in ay weli jiraan dad badan oo wadaniyiin ah oo damiirkoodu nool yahay, oo ka damqanaaya hagar daamooyinka iyo dhaca lagu hayo wadankooda, oo aan marna ka dul qaadan doonin, kuwaas oo ay aad u gilgishay khiyaanadan qaran ee ay maanta ku kacday dowlad ku sheega lagu soo dhoodhoobay Jabuuti, waxaa tusaale u ah taas maanta halkay iska taageen iyo doorka ay ka qaateen warbaahinta Soomaaliyeed intooda badani, iyo siday ugu baraarujiyeen

Bulshawaynta Soomaaliyeed dhacadan khiyaanada ah, iyo siday u muujiyeen dareenkooda ku aadan khiyaanadan qaran, iyo sida firfircoonida leh ee ay ugu baraarujiyeen arintan ummada oo dhan, iyagoo gees iska dhigay markaan qabyaaladii qudhunka ahayd ee ummadan lagu ibtilayay, meelna uga soo wada jeesteen siday u badbaadin lahaayeen ciidood iyo badahooda, waxay muujiyeen runtii hormoodnimo ku dayasho iyo bogaadin mudan, waxaa iyaguna si xooga dareenkooda ku aadan khiyaanadan u muujiyay aqoon yahano badan meel kastaba ha ku sugnaadeen ee, iyo dhamaan bulsha waynta qaybeheeda kala duwan, Allaah tacaalaa waxaan ka rajaynaynaa

In tanu noo noqato faataxo khayr leh oo soo celisa midnimadii iyo walaaltinimadii lagu kala tegay iyo kal gacalkii iyo wanaagii ummada dhexdeeda ahaa, taas uun baana keeni karta in aynu ka hortagno oo ka badbaadino dhulkeena iyo badaheena dhagarta cadawgu inoo soo maleegay. Waxaana leeyahay intii ka gilgilatay khiyaanadan qaran ee laynagula kacay khayr Allaah tacaalaa haydin ka siiyo oo haydin xafido, waxaana laynooga baahan yahay in aan hawsheenu intaas oo keli ah ku ekaan ee bal aan samayno debed baxyo is daba jooga ah, oo aan arintan kaga soo horjeedno debeda iyo gudahaba ilaa aynu ka fashilinayno dhacdadan khiyaanada ah, taas oo aynu ugu muujinayno aduun

 Waynaha dareenkeena ku aadan khiyaanadan qaran ee laynagu sameeyay, qof walbaa waa in uu halkiisa ka ordaa inta tamartiisu tahay ku aadan wax ka qabashada arintan foosha xun, waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland iyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka kale ee ay ka hawl galaan budhcad badeedu waa in ay si deg deg ah xil isaga saaraan la dagaalanka iyo dabar gownta budhcad badeeda, iyadoo aanay cidna wax kaga sugin oo ku cadaadin, waa in aydin ka badbaadisaan dhalin yarada ay hawl gelinayaan budhcad badeedu ee maalin walba waxna lagu laynaayo waxana laga buuxinaayo jeelasha dawladah shisheeye, waa inaad abaartaan oo la

Dagaalan taan kuwa ka dambeeya ee dhalin yarada hawl gelinaaya, oo iyaga faa’iidad qaadanaaya, budhcad badeedu waa shirqool debeda laga soo abaabulay oo uu cadawgeenu ka dambeeyo, loogana gol leeyahay sidii badaheena lagula wareegi lahaa.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay anigoo codkayga ku daraaya codkii walaalihii iiga horeeyay wax ka qorista mawduucan, waxaan leeyahay: waa waray, waa waray, waa waray, war hayaay, war hayaay, war hayaay ka kacaay, yaa Muslimiin ahay, yaa Soomaali ahay, war intii yarayd ee inoo hadhayna dhulkii iyo badiiba la qaadayay, war ka kacaay.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud

Almutawaadic@yahoo.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com