shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ciidanka Booliska ka ee magaaladda Hargaysa oo xabsiga u taxaabay mid ka mida Salaadiinta Somaliland.
 

(Hargaysa.  April 15,  2009 Ceegaag Online)

Ciidanka Maamulka la magac baxay Somaliland gaar ahaan kuwa Bilayska ayaa maanta ka qabtay Hotel Empiriel ee magaaladda Hargaysa Suldaan Saleebaan Suldaan Boqor Cismaan waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in Suldaanka Ay Jir dil ugaysteen Ciidankii Gacanta ku soo dhigay.
 
 
Lama garanayo sababta keentay xariga loo gaystay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo cidda amartay ee ka dambaysa xarigiisa , balse waxa la tuhunsan yahay in loo haysto Suldaanka Hadalo uu shalay ka jeediyay isu soo baxa ka dhacay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee hargaysa waxaana la sheegay inuu suldaanku Adeegsaday Hadalo Kul-Kulul oo uu jeediyay Maamulka Taladda haya ee Riyaale.
.
Khudbadii Shalay ee Suldaanka Maanta Xabsiga la dhigay ayaa uu si wayn ugu Duray Wasiirka Hawlaha Guud ee somaliland iyo Waliba arrimo Kale isaga oo yiri"Ragga xukuumadda ku jira waxa ay caadaysteen wax aad u fool xun, Waxa ay xoqayaan, boogihii iyo nabaraddii aynu soo marnay ee Somaliland qof mahadiyay aanu jirin, kuwa xoqayana waxaa ka mid ah nin aan u bixiyay Wasiirka cayda guud oo la odhan jiray wasiirka hawlaha guud,Waxaan leeyahay waxaad rabtaan in aad dalka gelisaan dagaal siyaasi ah oo aanay bulshada Somaliland doonayn, Waxaan leeyahay Somaliland mar baad garoon geliseene, maantana garoon siyaasiya Cawil iyo Ina Sulub iyo kuwa noocaas ahi ma gelin karaan. Waliba adiga Siciid Suluboow waxaad ahayd maalintii Hargaysa laga baxay ee aanu ku dagaalamaynay halkaa, Inan Nuux Ismaaciil ayaa qabtay oo nabad baad ku joogtay Hargaysa, markaa reerihii aad maganta u ahayd ee aad la joogtay haddaad maantana tidhaahdo waa lay dilay oo aad laabta garaacdo, waxaanu ku leenahay Adeer anagu’aanu laabta garaacno ee adigu nalama aad joogine ha garaacin. Ciilna kuma qabno, cadhana kuma qabno.
 
Dhanka kale Suldaanka Maanta la xiray ayaa Eedayay Warbaahinta Qaar gaar ahaan Telvisionka Qaranka Somaliland isagoo sheegay inuu yahay Isna Telvisionka Qaribka oo kicinta Shacabka iyo hadaladda Jigraarka ah adeegsada.
 
Isku soo Wadda duboo waxaa Maamulka La magac baxay somaliland beryihii ugu Dambeeyay Soo Ifbaxayay Arrimo la xariira Muranka Xisbiyadda Maamulkaasi ka jira iyo Eedaymo Saxaafadda layska Weerarayay.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com