shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ururka Udhis oo Eedayn u jeediyay Xukuumadda Daahir Riyaale Kaahin.
 

(Hargaysa.  April 14,  2009 Ceegaag Online)


Ururka wadaniga ah ee UDHIS ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Rayaale is hortaagtay isla markaana diiday dhexdhexaadin uu ururkoodu doonayey inuu isu soo horfadhiiyo wada-hadal dhinacyada siyaasada ee khilaafka ba’ani u dhexeeyo, waxaanu dhinaca kale sheegay in ay xukuumaddu ay abaabulayso shir ay iyadu maamulayso soona xulatay xubnaha hogaaminaya.
 
 
Hadaba Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago weyne) oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ururka Dimuqraadiyada iyo horumarinta ee isbedel doonka Somaliland (UDHIS) oo warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa si adag u cambaareeyey falkii ay ciidanka bileysku 6-dii April Rasaasta ugu fureen hogaamiyaha iyo Taageerayaasha Kulmiye, iyo sidoo kale go’aankii ay komishanka doorashooyinku ku cayimeen wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku saleeyeen go’aankii muddo kordhinta ee Guurtida, talaabooyinkaas oo ay sheegeen inay dabka ku sii huriyeen khilaafkii siyaasadeed ee taagnaa.
 
 
Warsaxaafadeedyo Dhamaystiran ayaa ururka udhis ka soo saareen Arimaha Mudo kordhinta ee guurtida ay Wakhtiga u kordhisay Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed yuusuf Yasiin.
 
 
Gogol-fidintaasi, iyada oo UDHIS ay qanaacaad buuxa ku qabto waddada ay Somaliland ku caana maashay oo ah wadahadal iyo wada-tashi, in lagaga gudbo wixii caqabado inaga horyimaadda iyo iyada oo UDHIS aaminsan inay tahay dhex-dhexaad aan dhinacna u janjeedhin, waxa kaliya ee ay danaynaysaana tahay Maslaxadda Ummadda, waxa kale oo UDHIS ay marti-qaaday Odayaal iyo Aqoonyahanno reer Somaliland ah, kana mid yihiin Abwaanada Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) iyo rag kale oo magac ku leh somaliland oo ay xitaa ka mid yihin masuliyin horay uga tirsanaan jirtay Maamuladdii hore ee ka arrimin jiray somaliland.
 
 
Isku soo wadda duuboo Masuuliiyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa sheegay inanay Aqoon sanayn Xisbigan Wadaniga ah ee udhis iyadoo marka taasi laga yimaado uu jiro muran xaga xisbiyadda ah oo udhexeya xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye iyadoo ay jireen mudaharaadyo Nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Saraakiisha kulmiye ka gadaal mudo kordhintii loo sameyay Madaxweyne Riyaale iyo ku xigeenkisa Axmed yuusuf Yaasiin.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com