shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Somaliland oo Baaq u jeediyay Ururadda aan Dawliga ahayn.

(Hargaysa,  April 21,  2009 Ceegaag Online) 

Wasiirka wasaarada Qorshaynta Cali Ibraahim (Cali Sanyare) ayaa qaar ka mid ah ururada aan dawliga ahayn ee caalamiga ah ee loo yaqaan INGOs ku wargeliyey in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan warbixintoodii waxqabad ee sanadkii tagay 2008.

Tirada guud ee ururada aan dawliga ahayn ee fariintu ku socoto oo dhan 27 sida ku cad wareegtada ayaa lagu wargeliyey in ay ugu dambeyn warbixintooda ku soo gudbiyaan inta ka horeysa 15, May, 2009 iyadoo ciddii ku dhaqmi wayda awaamiirtaasi ay wasaaradu sheegtay in ay kala noqon doonto kalsoonidii aqoonsi ee ay ku hawlgalaan, sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu wasiirka qorshayntu Cali Ibraahim shalay na soo gaadhsiiyey, waxa aanay u qornayd sidan:

"Wuxuu Wasiirka Qorshaynta ee somaliland Iskuduwidda iyo Xidhiidhka Hay’addaha Caalamiga ah, Mudane Cali Ibraahim Maxamed, ku Wargeliyay Xidhiidhiyaha Ururada aan Dowliga ahayn (Focal Point of Information Non-Govermental Organizations INGOs) in uu gaadhsiiyo Ururada INGOs ah ee wali soo gudbin warbixintoodii waxqabad ee 2008 oo ay ku jiraan deeqihii Maaliyadeed ee loogu soo dhiibay Somaliland, in ay ku dhaqmaan Wareegtada Wasaaradda, soona raacaan Nidaamkii Xisaabtanka ee loo dejiyay inta ka horaysa 15 Bisha May 2009.
Kuwii ku dhaqmi waaya Amarkaas, waxay iyadoo Wasaaraddu ka xun tahay ku ka lifi doontaa in Shahaadooyinkii Diiwaangelinta ay Ururadaas ku hawl galeen la hakin doono, si ku mel-gaadh ah, ka dibna lagala noqon doono.
Tirada Ururadaasi waxay yihiin 27 (Arag Lifaaqa).
 
Liiska Ururada aan Dawliga Ahayn ee Caalamiga ah (LNGOs) ee Warbixintoodii Wax-qabad ee 2008 aan u soo Gudbin sidii Wasaaradda Qarshayntu u tilmaantay:

1. GERMAN DEMINING GROUP (DDG).
2. TERRO NOUVA
3. HEALTH UNLIMITED
4. WORLD VISION
5. TOSTAN INTERNATIONAL
6. HALLO TRUST
7. LIFE INTERNATIONAL
8. VETAID
9. INTERNATIONAL ISLAMIC RELIEF ORGANIZATION
10. MUNADAMADA ALDAWA ISLAMIYA.
11. OXFAM NOVIB
12. SOS KINDER DERFT INTERNATIONAL
13. TERRA SOLIDATI
14. SHELTER BOX TRUST
15. GUTEBORGES INIATIVE
16. CANADIAN AFRICAN INDIGENOUS DEVELOPMENT
17. MERCY USA FOR AID DEVELOMENT
18. MERCY CROPS
19. NOOLAYNTA NARUURADA MUSTAQBALKA
20. AMERICAN RELIEF AGENCY FOR THE HORN OF AFRICA
21. INTERNATIONAL RESEARCH AND EXCHANGES
22. MEDAIR
23. PREMIERE URGENCY
24. COOPERZIONE E SEILUPPE
25. HORN OF AFRICA FOUNDATION
26. MANHAL FOUNDATION"
 
Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa soo saaray Wasaaradda qorshaynta ee somaliland oo sidaasi u qornaa.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com