shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Saraakiil American ah oo Maanta ka soo Degay Garoonka Diyaaraddaha Magaaladda Muqdisho Oo kulan la leh Dawladda Soomaliya.

(Muqdisho.  April 13,  2009 Ceegaag Online)


Wafdigii ugu horeyay oo Maraykan ah Ayaa maanta ka soo Degay Magaaladda Muqdisho Wafdiga ayaa ka koobnaa saraakiil ka socata Congresska Dalka Maraykanka Wafdigan oo soo gaaray Magaalada Muqdisho maantay ayaa waxaa Hogaaminaya Donal deyn oo isagu ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Dalka Mareykanka gaar ahaan ka soo baqoolay deegaanka Newchlcy ee Dalka Mareykanka ayaa waxay ujeedaduudu ahayed u kuur galida Arimaha Amaanka Dhaqaalaha iyo Arimaha Siyaasada Dalka Soomaaliya .

Waxayna Wafdigano Markii ay Soo degeen Kulamo Kala gooni gooni ah la qaateen Madaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran iyo Masuuliyiinta Dowlada Sida Raiisul wasaaraha DFKMG ah iyadoo ay tahay markii ugu horaysay mudooyin sanado ah Wafdi American ah ay ka soo degaan Magaaladda Muqdisho.

Raysal wasaare Sharmaarke" oo kulan la qaatay Saraakiishan american ka ah ayaa sheegay inay ka wadda hadlayeen Xaaladda Amaanka dalka soomaliya iyo Sidii Mustaqbal Wanaagsan looa Hisan lahaa Dalka Soomaliya ooDagaalo Daashadeen In Mudoyin ah iyadoo Imaanshaha Sarakisha maraykanku ay ku soo aadayso Xili Maamulka Obama Ay si wayn Uga Doodayaan Hawlgal Military oo laga fuliyo Dalka soomaliya kaso lagu Bartilmaameedsado Kooxaha Islaamiyiinta Soomaliya iyadoo horay Maraykanku Tiro ka dhawr jeer Hawlgalo Xaga cirka ah uga fuliyeen meelo ka mida soomaliya sida Hawlgalkii Baargaaal ee Bishii juun-2007 iyo kii lagu Qaaday Kaymaha Raas-kaambooni iyo Degaanka Afmadaw kuwaso la doonayay in lagu Wiiqu awooda Kooxaha islaamiyiinta Soomaliya.

Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com