shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi ka socda Safaaradda Britain ee Itoobiya oo soo gaaray Magaaladda Hargaysa.

(Hargaysa,  April 22,  2009 Ceegaag Online) 

Wafdiga soo gaaray magaaladda hargaysa ayaa waxaa hogaaminaya Mr John Marshal oo shalay booqasho ku yimid Magaaladda Hargaysa ee Maamulka Somaliland ayaa la kulmay madaxweyne Rayaale waxaana ay kala Hadleen Xaalada Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Rayaale Waxa uu Tibaaxay waxyaabaha doorashada dib u dhigay aanay iyagu masuul ka ahayn ee ay ku timid dhinac farsamo, isagoo cudurdaarna ka dhigay qaraxyadii dalka ka dhacay 29 October 2008, qaraxyadaas oo uu sheegay inay saamayn ku yeesheen dib u dhaca doorashada ku yimid. Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha budhcadbadeeda ah iyo sidii iskaashi looga wada yeelan lahaa wax ka qabashadeeda.
 
 
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, kaas oo u qornaa sidan "Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ka socda SafaaradaIngiriiska u fadhida Caasimada Itoobiya ee Addis ababa. Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Safiir ku xigeenka Safaarada Ingiriiska eeAddis ababa Mr John Marshal waxa ay booqasho kooban ku yimaadeenJamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha iyo wefdigaasi ka socda Safaarada Ingiriiska waxa ay si qotodheer uga wada hadleen budhcad badeeda ku soo korodhay mandaqada GeeskaAfrika oo saamayn ku yeelatay wadamo badan oo ay ka mid tahay Somalia .

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka waramaya tallaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday sidii ay wax uga qaban lahayd budhcad badeeda kaqawlaysata bada Cas ee ku beegan marinka Cadmeed, waxa uu sheegay inhadda ka hor Somaliland ay ka qabatay xuduudaheed badda cas dad budhcad badeed ah, kuwaasi oo la hor keenay Maxkamadaha, haddana qaarkood ay ku jiraan xabsiyada markii lagu helay dambiyada ay galeen. Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in mar walba xukuumadda iyo shacbiba ay ka go’an tahay la dagaalanka budhcad badeeda xeebaheeda baddacas ku beegan, isla markaana waxa uu tibaaxay in Somaliland oo ah wadan curdin oo aan kaalmo ka helin dalalka caalamka in uu u baahan yahay incaalamku ka taageero sidii uu ula dagaalami lahaa ka hor taga budhcadbadeeda, haddii ay noqon lahayd qalabka la adeegsado iyo dhaqaalaba, taasioo maslaxad iyo dan weyni ay ugu jirto Somaliland iyo caalamka intiisakaleba.

 "Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala qayb galno iskaashiga caalamku ay kayeelanayaan la dagaalanka budhcad badeeda intii hadba awoodayadu ay nagaadhsiiso, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in wadamada adduunku oo Ingiriisku ka mid yahay in aanu taakulayn ka helno sidii aanu arrintaasi ugu guulaysan lahayn, waxaanuna ka xunahay in caalamku had iyo jeer nagu qiimeeyo , nagalana mid dhigo Soomaaliya, iyada oo Somaliland ay tahay dalka gooni ah Soomaaliya, kalana soo noqotay Madaxbanaanideeda muddo 18 sanadood laga joogo" ayuu yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynaha iyo wefdigu waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada ee Jamhuuriyada Somaliland heerka ay maanta taagan yihiin, Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah oo la mid ah kuwii hore wadanka uga qabsoomay intii uu taladahayay, waxana Madaxweynuhu wefdiga u sheegay in dib u dhaca wakhtigii doorashada ay dhici lahayd aanay xukuumadu masuul ka ahayn , hase yeeshee ay keeneen arrimo farsamo iyo qaraxyadii argagaxiso ee dalka ka dhacay.
 
 
 
 
"Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu dhawrno xeerka iyo dastuurka qaranka, anaga oo tix-gelinayna go’aamadii ay wakhtiga doorashada ka gaadheen Golaha Guurtida iyo Komishanka doorashooyinku" ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in uu jeclaa 29 March eeBishii ina dhaaftay in aanay doorashadu qabsoonto, hase yeeshee aanay taasi suurto gelin, sababo farsamo darted, isla markaana waxa uuMadaxweynuhu kula taliyay in Asxaabta Mucaaridkuna ay qadariyaan una hogaansamaan dastuurka xeerka iyo qawaaniinta dalka u yaala.
 
Mr John Marshal oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in xukuumada dalka Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay Somaliland ula dhaqanto si aan ka duwanayn Soomaaliya, waxna kala qabato arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinaca Nabad gelyada iyo xasiloonida uu dalkani ku caano maalay, waxana uu tibaaxay in dawladiisu ay hor dhigi doonto shirarka soo socda ee caalamka kaga tashan doono sidii wax looga qaban lahaa budhcad badeeda, shirarkaasi oo ay ka mid yihiin shirka lagu qaban doono Baxrayn dhawrka toddobaad ee soo socda, waxyaabaha Somaliland ay ka qabatay ladagaalanka budhcad badeeda iyo baahida ay u qabto in laga taageero waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sidii arrintaasi ay ugu guulaysanlahayd. Wefdigaasi waxa kale oo ka mid ahaa wakiilka dhinaca Gaashaandhiga uqaabilsan Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya, shirkana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada SL Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
 
 
Isku soo wada duubo xamaasad siyaadeed ayaa ka taagan Maamulka la magac baxay somaliland.
 
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com